Hordhac: Newcastle v Chelsea – Mourinho Oo Raadinaya Guushii Ugu Horeysay Ee St James Park Ee Horyaalka.

0
Saturday December 06, 2014 - 10:13:12 in by Burco Office
  • Visits: 1036
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Newcastle v Chelsea – Mourinho Oo Raadinaya Guushii Ugu Horeysay Ee St James Park Ee Horyaalka.

    Kulanka:Newcastle v Chelsea Garoonka:St James Park Waqtiga:3:45pm Saacada Geeska Afrika Sidee ayay Newcastle ku celin karataa Chelsea? kooxda ay xafiiltamaan ee Sunderland ayaa isbuuc ka hor isku dayday inay hakiso waana ay u shaqeysay, laaki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka:Newcastle v Chelsea Garoonka:St James Park Waqtiga:3:45pm Saacada Geeska Afrika Sidee ayay Newcastle ku celin karataa Chelsea? kooxda ay xafiiltamaan ee Sunderland ayaa isbuuc ka hor isku dayday inay hakiso waana ay u shaqeysay, laakiin waxaa jira wax ku jira DNA-da Newcastle oo sheegaya inaysan sidaasi u ciyaari karin, xitaa taageerayaasha intooda badan waxa ay ku faraxsanaan lahaayeen waqti xaadirkaan inay barbaro qaataan.




Chelsea ayaa ku laabanayea gobolka waqooyi Bari iyagoo qarka u saaran labo rikoor. Guuldarro ay ka fogaadeen waxa ay la micno noqoneysa markii ugu horeysay ee Chelsea aan laga badinin 15ka kulan ee ugu horeeya horyaalka ee hal xilli ciyaareed, tan labaadna waxa ay noqoneysaa kulankii 24aad ee tartamada oo dhan oo aan laga badinin Chelsea.

Laakiin Newcastle waxaa saacidi karta taariikhda, kooxda Chelsea ah oo uu wato Mourinho waligeed kulan horyaalka ah kuma aysan badinin garoonka St James Park, afar kulan oo uu Mourinho halkaas geeyay Chelsea labo kulan waa laga soo badiyay, labo kulana barbaro ayay ku dhamaatay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Newcastle (4-2-3-1):Elliot, Janmaat, S Taylor, Dummett, Haidara; Colback, Tiote, Cabella, Sissoko, Goufran; Cisse.

Chelsea (4-2-3-1):Courtios; Azpilicueta, Cahill, Terry, Ivanovic; Ramires, Fabregas; Hazard, Oscar, Willian; Costa.

SHANTII KULAN EE UGU DANBEYSAY EE ST JAMES PARK EE HORYAALKA:

April 2009 – Newcastle 0-2 Chelsea

November 2010 – Newcastel 1-1 Chelsea

December 2011 – Newcastle 0-3 Chelsea

Fabrayaao 2013 – Newcastle 3-2 Chelsea

November 2013 – Newcastle 2-0 Chelsea

MAXAA KA CUSUB?

Labada xiddig ee Newcastle Moussa Sissoko iyo Jack Colback ayaa labadaba ka soo laabanaya ganaax.

Kabtan Fabricio Coloccini ayay isna u badan tahay inaan riski la gelin doonin isagoo weli ka soo kabsanaya dhaawac kubka ah, halka Mike Williamson, Daryl Janmaat iyo Sammy Ameobi ayaa dhamaantood wajahayaan baaritaano xilli danbe.

Weeraryahanka Chelsea Diegi Costa ayaa isna diyara ah ka dib markii uu hal kulan ganaax ku maqnaa, halka daafaca Gary Cahill uu ciyaari doono inkastoo uu miirdaboolnaan soo wajahay, laakiin ciyaaryahanka saameynta leh Nemanja Matic ayaa ganaax ku maqnaanaya.

MA OGTAHAY?

  • Newcastle ayaa badisay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigooda kula ciyaareen Chelsea, oo ay ku jirtay kulankii ay 2-0 kaga badiyeen November sannadkii hore markaasoo weeraryahanka haatan ee Chelsea Loic Remy uu shabaqa ka soo taabtay.
  • Guushaas ayaa waxa ay aheyd guushii ugu horeysay ee Premier League ee uu tababare Alan Pardew ka gaaro Jose Mourinho, isagoo guuldarro ay ka soo gaartay shantii kulan ee ka horeysay.
contact@afkashacabka.com