Waxtarka akhriska ee qof ahaan iyo bulsho ahaanba" WQ: Cabdullqani Cabdullaahi Aadam.

0
Saturday December 06, 2014 - 17:28:36 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxtarka akhriska ee qof ahaan iyo bulsho ahaanba" WQ: Cabdullqani Cabdullaahi Aadam.

    U fiirso, waxa Eebbe inoo sameeyay laba dhegood iyo laba indhood, Sidaa oo ay tahay ayuu Eebbe inoo yeellay af kaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

U fiirso, waxa Eebbe inoo sameeyay laba dhegood iyo laba indhood, Sidaa oo ay tahay ayuu Eebbe inoo yeellay af kaliya.

Badi akhriska iyo dhageysiga, waxaanad yareysaa hadalka, Waxa jirta xikmad oranaysa Akhriyaha wanaagsan ee Maantu waa Hogaamiyaha wanaagsan ee beri. dhagaystaha wanaagsan ee maantuna waa la dhagaystaha wanaagsan ee berri.

Qofka wax akhriyaa waxaa uu si joogto ah u helaa fikrado kala duwan oo u horseedi kara horumar dhan walba oo noloshiisa kamid ah maxaa yeellay Akhriska wanaagsani wuxuu dhisaa caqliga, wuxuu kobciyaa fahanka, waxa lagu helaa aqoon iyo cilmi, waxana laga kasbadaa saqaafad iyo waayo aragnimo balaadhan. Casrigaan aynu noolahay wax akhrintu waxa ay kamid noqotay nolol maal meedka muwaadin kasta, Umadaha wax akhriyaana waa kuwa ugu horeeya caalamka waana kuwa xoroobay, maxaa yeelay wax akhrinta wanaagsani waxaa ay kaa fogaynaysaa jahliga, khuraafaadka, iyo dib u dhaca.

Waa wax lala yaabo ah in ummaddii Iqra’ lagu yidhi lagu kari la’yahay wax akhriya? Waxaana cajiib ah in Muslimiin badani lumiyeen dhaxalkii akhriska ee jiilalkoodii hore kusoo horu mareen, kuna dhaafeen qayrkood! Marka laga yimaado guud ahaan muslimiinta hadana Akhris la’aantu waa mushkilad iyo dhib weyn oo haysata qaybo badan oo ka mida bulshadeena soomaaliyeed, waana xaalad taban oo safka hore kaga jirta asbaabaha keenay dib u dhaca ummaddeena.

Waxa la sheegaa maktabadii ugu horeysay ee faraacintii hore in Albaabkeeda hore ay ku Qoreen "Halkan waa quudka nafta, iyo Daawada Caqliyada”, Abaas al-aqadina wuxuu yidhi : wax aqrinta waxa ay da’da qofka ugu dartaa da’kale. Waana da’da qoraayaasha mufakkiriinta aqoonyahanada, culumada falsafadda. hadana waa kii Shaacirkii waynaa ee Abuu Dayib Al-Mutanabi isna lahaa: Meesha aduunka ugu Sharaf badani waa koore faras, Saaxiibna waxa ugu khayr badan Buug.

hadaba Akhriste ogsoonnow Akhriska aan waxtar diimeed iyo mid aduunyo lahayni waa waqti lumis iyo khasaare wakhtiyeed balse akhriska buugta iyo qormooyinka ku lifaaqan kufriga, bidcada, fuxshiga iyo shakki galintu waxay qofka ku dhaliyaan shaki iyo shubuhaad gala diintiisa iyo caqiidadiisa, waxaanay u horseedaan inuu ka leexdo toobiyaha toosan, kuna asqoobo geri-go’anta shaki galinta, khuraafaadka iyo kufriga, waxaanu sababaa Akhriska aan waxtarka diimeed iyo aduunyo lahayni in qofka ay iskaga darsamaan oo uu kala sooci kari waayo Islaamka iyo kufriga, xaqa iyo baadilka, khayrka iyo sharka, wanaaga iyo xumaanta, akhlaaqda suuban iyo ta liidata.

Waxa muhiim ah oo lagama maarmaan ah in qofka Muslinka ahi ka foojignaado kana digtoonaado oo uu eego macluumaadka ku qulqulaya caqligiisa iyo qalbigiisa sababtoo ah waxaynu maanta noolnahay waqti lagu magacaabo "Casriga Macluumaadka” taasi oo loola jeedo in macluumaadka meel walba qulqulayaa yihiin kuwo xad dhaafa, qof walbaana si fudud u heli karo macluumaadka iyo wararka uu raadinayo.

Akhriska wanaagsan ee waxtarka lehina waa ka lagaga lagaga badbaadayo haraadka iyo jahliga, Haa isaga ayaa lagaga badbaadaa ku-asqowga geri-go’anta baadida iyo khuraafaadka la sahlay ee goob kasta yaalla.



Dhammaad...............



By: Cabdullqani Cabdullaahi Aadam.

6nd December 2014. 2:23 Pm.

hargeisa somaliland.