Somaliland: Kulan ay yeesheen Qaadhaan-bixiyeyaasha, komishanka iyo axsaabta Siyaasada

0
Wednesday February 05, 2014 - 19:57:05 in by Super Admin
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Kulan ay yeesheen Qaadhaan-bixiyeyaasha, komishanka iyo axsaabta Siyaasada

    Somaliland: Kulan ay yeesheen Qaadhaan-bixiyeyaasha, komishanka iyo axsaabta Siyaasada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Kulan ay yeesheen Qaadhaan-bixiyeyaasha, komishanka iyo axsaabta Siyaasada

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo deeq bixiyeyaasha Somalilad ka taageera dhinaca doorashooyinka ayaa maanta kulan ku yeeshay Xarunta Komishanka Doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa.

Kulankaas oo lagu falan-qaynayay sidii Doorashooyinka soo socdaa u qabsoomi lahaayeen.Gudoomiyaha Xisbiga tallada haya ee Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo kulanka ka bacdi si wada jir ah warbixin kooban u siiyey warbaahinta ayaa sheegay in wadahadaladu ku saabsan yihiin sidii doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen xiliga lo qorsheeyey isla markaana wali kulamada saddex geesoodka ahi u socdaan xisbiyada Qaranka, deeq bixiyayaasha iyo kumishinka Doorashooyinka ee Somaliland.

Sida la ogyahay Wasaaradda Arimaha gudaha ayaa dhawaan Iclaamisay in lixda bilood ee soo socda la samayn doono Diwaan galinta Muwaadiniinta Somaliland iyo bixinta kaadhadhka aqoosiga dhalasho taasoo dhabbaha u sii xaadhi doonta in mustaqbalka la helo tirade dadka xaqqa u leh in ay ka qayb geli karaan doorashooyinka soo socda.