Hordhac Group D UCL: Arsenal & Dortmund Oo Ku Tartamaya Kaalinta Koowaad Ee Group-ka.

0
Tuesday December 09, 2014 - 09:08:30 in by Burco Office
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac Group D UCL: Arsenal & Dortmund Oo Ku Tartamaya Kaalinta Koowaad Ee Group-ka.

    Kooxaha Arsenal iyo Borussia Dortumund ayaa kulamadooda ugu danbeeya Group D waxa ay la kala ciyaarayaan Galatasaray iyo Anderlecht, inkastoo ay u soo baxeen wareega 16ka hadana waxa ay caawa ku dagaalamayaan kaalinta koowaad ee group-ka kooxdii ku s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Arsenal iyo Borussia Dortumund ayaa kulamadooda ugu danbeeya Group D waxa ay la kala ciyaarayaan Galatasaray iyo Anderlecht, inkastoo ay u soo baxeen wareega 16ka hadana waxa ay caawa ku dagaalamayaan kaalinta koowaad ee group-ka kooxdii ku soo bixi laheyd. Arsenal ayaa caawa marti u ah kooxda Turkiga ee ugu hooseysa Group D Galatasaray kuwaasoo wax kasta oo ay sameeyeen aan ka soo dhaqaaqin karin halka ugu hooseysa Group D madaama ay leeyihiin kaliya 1 dhibic, islamarkaana kooxda kaalinta 3aad ee Anderlecht ay leedahay shan dhibcood.

Arsenal ayaa kaalinta koowaad ku soo bixi karta guul kasta oo ay gaarto haddii Dortmund laga badiyo ama haddii Gunners ay dhaliso goolal ka badan BVB islamarkaana ciyaarta Dortmund ay ku dhamaato barbaro, farqiga goolasha ee Dortmund iyo Arsenal waa lix gool haatan.

Dortmund ayaa iyadana kaalinta koowaad ku soo bixi karta guul ay gaarto ama barbaro laakiin waa haddii Arsenal ay ku guuldareysato inay meesha ka saarto farqiga goolasha ee ay Dortmund ka sareyso. Waqti xaadirkaan Dortmund ayaa faa’idada farqiga goolasha heysata, halka kulamadoodii wareega group-ka uu yahay mid isku mid ah.

2192624_w2


SHAXDA MACQUULKA AH:

Galatasaray: Muslera; Tarık Çamdal, Semih Kaya, Hakan Balta, Alex Telles; Felipe Melo, Emre Çolak; Bruma, Burak, Sneijder; Umut Bulut.

Waxaa ka maqan:Dzemaili oo dhaawac ah in Selcuk Inan oo ganaax ku maqan.

Arsenal:Szczęsny; Debuchy, Mertesacker, Chambers, Bellerín; Flamini, Oxade-Chamberlain, Ramsey, Campbell, Podolski; Sanogo.

Waxaa ka maqant: Ospina, Ozil, Diaby, Walcott iyo Wislhere oo dhaawac ah, waxaana shaki ku jiraa taam ahaanshahooda Monreal, Arteta iyo Rosicky.

2192789_w2

SHAXDA MACQUULKA AH:

Dortmund:Langerak; Piszczek, Subotić, Hummels, Schmelzer; S Bender, Gündoğan; Aubameyang, Kagawa, Mkhitaryan; Ramos.

Waxaa ka maqan:Kehl, Reus iyo Papastathopoulos oo dhamaantood dhaawac ah.

Anderlecht:Proto; Vanden Borre, Mbemba, Deschacht, Acheampong; Tielemans, Kljestan; Kabasele, Praet, Conté; Mitrović.

Waxaa ka maqan:Suárez, Nuytinck iyo Najar oo dhaawac ah, halka Defour uu shaki ku jiro.

Kulamada Group D waxaa la ciyaarayaa: 10:45pm Saacada Geeska Afrika

contact@afkashacabka.com