Diyaar-garowga Koobka Qaramada Africa oo gebagaba maraya

0
Thursday December 11, 2014 - 02:56:04 in by Burco Office
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaar-garowga Koobka Qaramada Africa oo gebagaba maraya

    Mid ka mid ah garoomada Equatorial Guinea ee ay ka dhici doonaan ciyaaraha Qaramada Afrika Shan todobaad oo kaliya ayaa ka harsan ka hor inta aanu si rasmi ah u bilaaban Koobka Qaramada Afrika ee 2015-ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah garoomada Equatorial Guinea ee ay ka dhici doonaan ciyaaraha Qaramada Afrika Shan todobaad oo kaliya ayaa ka harsan ka hor inta aanu si rasmi ah u bilaaban Koobka Qaramada Afrika ee 2015-ka


.

Tartankan ayaa inay martigaliso waxaa u soo istaagtay Equatorial Guinea, kaddib markii ay Morocco isaga baxday martigalinta tartanka cabsi ay ka qabto cudurka Ebola daraadeed.

Equatorial Guinea ayaa haatan la daalaa dhacaysa sidii ay diyaar uga dhigi lahayd garoomada ay ka dhici doonaan ciyaaraha.

Waxayna leedahay labo garoon oo kubada cagta oo ku kala yaalla caasimadda Malabo iyo magaalada labaad ee dalkaasi ee Bata.

Balse waa in ay dhistaa laba garoon oo cusub oo hadda la bilaabayo, kuwaasi oo laga dhisayo gobollada Mongomo iyo Ebebiyin, ee waqooyiga dalka.

Equatorial Guinea

Weriyayaasha BBCda oo booqday garoomadaasi, ayaa sheegaya inay arkeen rag ku howlan dhismaha oo isku dayaya in ay hagaajinayaan barxadda garoonka, oo ay dhameystiraan qeybaha kore ee garoonka, sidoo kalana waxa ay rakibayeen albaabada, daaqadaha, musqulaha iyo goobaha lagu qubeysto.

Culeyska shaqada ee haysata raggaasi ayaa waxaa laga dheehan karaa wajiyadooda.

Inkastoo shirkado kala duwan la siiyay dhismaha qeybaha garoonka si ay howsha u dhameeyaan, ayaa haddana waxa ay u muuqataa in howsha ay si tartiib ah u socoto.

Arrinta laga walaacsan yahay ayaa ah in baaxadda garoonka Mongomo ee qaada 10,000 ee qof, inuu diyaar ku noqon doono waqtigii loogu talagalay, si uu u martigaliayo ciyaaraha group-ka C, halkaasi oo ay isku arki doonaan qaar ka mid ah kooxaha ugu fiican uguna adag Qaaradda Afrika.

Inkastoo Equatorial Guinea ay horay u marti galisay tartanka, haddana waxaa ku wehlinayay martigalinta waddanka ay dariska yihiin ee Gabon.

conatatct@afkashacabka.com