WHO, Oo Baadhaysa Dheecaano Ay Ka Qaaday Dadkii Sumoobay Iyo Maamulka Gobalka Banaadir Oo Xidhay Ceelashii Biyaha Ee Degmada Yaaqshid

0
Friday December 12, 2014 - 23:30:05 in by salman abdi
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WHO, Oo Baadhaysa Dheecaano Ay Ka Qaaday Dadkii Sumoobay Iyo Maamulka Gobalka Banaadir Oo Xidhay Ceelashii Biyaha Ee Degmada Yaaqshid

    Mar ay war-fidiyeenadu waydiiyeen su'aal ahayd in biyaha ceelashani ay sumaysnaayeen iyo in kale, waxa uu ka gaabsaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar ay war-fidiyeenadu waydiiyeen su'aal ahayd in biyaha ceelashani ay sumaysnaayeen iyo in kale, waxa uu ka gaabsaday

Maamulka Gobolka Banaadir, ee Soomaaliya oo sheegay in uu xidhay Ceelashii biyaha ee Waaxda xaafadda Juungal degmada Yaaqshiid, ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la tuhunsan yahay in biyahoodu ay sumaysnaayeen, oo ay sababeen dhimashada Tobaneeyo qof iyo dad kale oo badan oo la dhigay Cusbitaalada markii ay cabeen biyaha ceelashan ka iman jiray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in hada baadhitaano xoog leh lagu hayo ceelshan si loo ogaado asbaabihii dhaliyay dhimashada iyo wexyeelada soo gaadhay dadkii ka cabi jiray ceelshan.


Mar ay war-fidiyeenadu waydiiyeen su'aal ahayd in biyaha ceelashani ay sumaysnaayeen iyo in kale, waxa 
uu ka gaabsaday in uu wax jawaab ah ka bixiyo isaga oo ku dooday in aanu ka hor dhacayn baadhitaanada la wado, waxaanu sheegay in Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO, ay dheecaan ka qaaday dadkii waxyeeladu soo gaadhay si baadhitaano loogu soo sameeyo.

 

Maalmo yar ka hor ayay ahayd markii in ka badan Toban qof ay u dhinteen xanuun ka dhashay biyo ay cabeen oo si weyn loo aamminsan yahay in ay sumaysnaayeen, halka tiro kale oo dad ah oo aad u badana la dhigay Cusbitaalada.



Contact@afkashacabka.com