Saadaasha Mark Lawrenson Ee Kulamada Horyaalka Premier League Ee Todobaadkan

0
Saturday December 13, 2014 - 17:26:09 in by Burco Office
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaasha Mark Lawrenson Ee Kulamada Horyaalka Premier League Ee Todobaadkan

    Khabiirka Kubada Cagta ee BBC Mark Lawrenson ayaa soo bandhigay saadaashiisa kulamada isbuucaan ee horyaalka Premier League. Mark Lawrenson oo 80maadkii u soo ciyaaray Liverpool iyo kooxaha Ireland ayaa haatan qabiir isboorti ka ah BBC waxaana uu s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khabiirka Kubada Cagta ee BBC Mark Lawrenson ayaa soo bandhigay saadaashiisa kulamada isbuucaan ee horyaalka Premier League. Mark Lawrenson oo 80maadkii u soo ciyaaray Liverpool iyo kooxaha Ireland ayaa haatan qabiir isboorti ka ah BBC waxaana uu sidoo kale tabiyaa ciyaaraha Premier League


.

Waxa uu isbuucaan saadaal ka bixiyay 10ka kulan ee horyaalka Premier League ee la ciyaarayo sabtida, axada iyo isniinta

Lawro ayaa ku guuldareystay inuu si rasmi ah u saadaaliyo dhamaan kulamadii isbuucii hore ee Premier League, laakiin afar ka mid ah 10kii kulan ee la ciyaaray waxa uu sadaaliyay guul ama guuldarro ama barbaro waana uu saxay.

Isbuucaan qabiirkaan Isboorti ayaa saadaaliyay in kooxda hogaanka heysa ee Chelsea inay ka soo kabsan doonto guuldaradii Newcastle United islamarkaana ay 3-0 ku dardari doonto kooxda Hull City maanta, waxa uu sidoo kale saadaaliyay in kooxda kaalinta labaad Man City ay gaari doonto guusheedii lixaad ee isku xigta marka ay maanta marti u yihiin kooxda Leicester City isagoo saadaaliyay inay 2-0 ku badin doonaan.

Kulanka caawa ay Arsenal soo dhaweyneyso kooxda Newcastle ayuu Lawro saadaaliyay in Gunners ay 2-0 ku badin doonto, halka kulanka adag ee axada uu saadaaliyay in kooxda martida loo yahay ee Manchester United ay 2-0 kaga badin doonto kooxda Liverpool, halka uu sadaaliyay in Tottenham iyo Swansea ay barbaro 1-1 ku dhamaaneyso.

Hadaba tartan la gal Mark Lawrenson oo adigaba saadaal ka bixi 10ka kulan ee Premier League islamarkaana isbuuca ka dib isku eeg inta kulan ee aad saxday iyo inta uu saxay qabiirka isboorti ee BBC. Sadaashaada hoos ku soo qor.

Sadaasha Todobaadkan  ee Mark Lawrenson:

SABTI

Burnley v Southampton
1-2
Chelsea v Hull
3-0
Crystal Palace v Stoke
2-1
Leicester v Man City
0-2
Sunderland v West Ham
1-0
West Brom v Aston Villa
2-2
Arsenal v Newcastle
2-0
AXAD

Man Utd v Liverpool
2-0
Swansea v Tottenham
1-1
ISNIIN

Everton v QPR
2-