"Dawladdu Waxay Doonaysaa In Aanu Tahriibno" Caruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa Oo Gadooday

0
Saturday December 13, 2014 - 22:41:09 in by salman abdi
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dawladdu Waxay Doonaysaa In Aanu Tahriibno" Caruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa Oo Gadooday

    Carruurta ku jirta Xarunta Agoomaha Hargeysa, ayaa sameeyey mudaharaad ay kaga gadoodeen garoonkii ay kubadda cagta ku ciyaari jireen oo la sheegay in laga dhisayo dugsi Farsamo gacanta ah, kaas oo lagu soo rogay dhagaxaan iyo ciid, isla markaana lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Carruurta ku jirta Xarunta Agoomaha Hargeysa, ayaa sameeyey mudaharaad ay kaga gadoodeen garoonkii ay kubadda cagta ku ciyaari jireen oo la sheegay in laga dhisayo dugsi Farsamo gacanta ah, kaas oo lagu soo rogay dhagaxaan iyo ciid, isla markaana laga gooyey birihii goolka ahaa.



Carruurtu waxa ay sheegeen in ay la kulmeen maamulkooda oo ay weydiiyeen sababta kelliftay in garoonkii kali ahaa ee ay lahaayeen la baabi’iyo, lagana dhiso dugsi iyadoo ay xarunta agoomuhu haysato dhul kale oo bannaan oo aanay jirin dan ku kallifaysa garoonka, waxaanay xuseen in maamulkoodu u sheegay in aanay hawshan shaqo ku lahayn.

Carruurta Agoomaha

Carruurtu waxa kale oo ay sheegeen in Xarunta Agoomuhu ay lahaan jirtay Iskuul Farsamo gacanta lagu baran jiray, laakiin hadda uu yahay Geerash uu nin ganacsade ahi haysto.

Carruurta oo maanta gelinkii dambe mudaharaad ka dhigay garoonka dhexdiisa, ayaa waxa ay Madaxtooyada ka codsadeen in garoonkooda loo daayo, isla markaana meel kale laga dhiso dugsiga.

Garoonka

"Waxay dawladdu doonaysaa in aanu tahriibno sababtoo ah waxaa dhisme laga bineeyay oo laga jeexay dhisme la nagu yidhi waxaa laga dhisayaa dugsi farsamada gacanta ah garoonkii kali ahaa ee aanu ku ciyaaranay kubadda cagta, kii kale ee Dhalintana waxaa qaatay Turkiga oo lacag ayaa lagu gelayaa, lacag aanu ku galnana ma haysanno. Markaa miyaanay dawladdu doonayn in aanu tahriibno.” Ayuu yidhi mid ka mid ah carruurta ku sugan xarunta agoomaha Hargeysa oo galabta ka gadooday isla markaana muddaharaad cabasho ah ka dhigay garoonka kubadda cagta ee Dhalinta Hargeysa oo xilligaa ay taallay ciiddii iyo dhagaxaan.

Carruurta xarunta Agoomaha ee Hargeysa ayaa Wasaaradda Waxbarashada ku eedeeyay inay masuul ka tahay baro-kicinta carruurta "Wasaaradda Waxbarashada ayaa ka masuul ah baro-kicinta carruurta waxaanay diyaar u yihiin sidii ay carruurta u kicin lahaayeen ee ay dalka uga tahriibi lahaayeen, wax garoon ah oo aanu ku ciyaarno kan oo kaliya ayaanu haysanay oo ahaa garoonkii labaad ee Dhalinta, imikana waxaa la leeyahay waxaa laga dhisayaa iskuul farsamada gacanta ah, haddii iskuul farsamada gacanta ah la dhisayana meel looma waayin oo xaruntu dhul badan oo bannaan ayay leedahay, waliba waxay leedahay halkii loogu talo galay dugsiga farsamada gacanta ee xaruntan oo ah geerash nin iska haysto, maxaa geerashka looga rari waayey ee garoonka loo dhisayaa?”

Carruurta 1

Carruurta Xarunta Agoomaha Hargeysa oo dareenkoodu aad u kacsan yahay waxaa kale oo ay intaa ku dareen in ay wax ka weydiiyeen guddoomiyaha xarunta agoomaha Hargeysa isla markaana ay u sheegtay in aanay waxba kala socon "Guddoomiyaha Xaruntayda waanu weydiinay waxaanay noo sheegtay in aanay waxba kala socon oo ay arrintu ka timi meel iyada ka sarraysa” Ayay carruurtu hadalkooga ku soo gunaanadeen. 



Contact@afkashacabka.com