R-Afkashacabka Curyaamiintii Maalmahan Banaanbaxyada Dhigayay oo Gargaar Loo Qeybiyey

0
Wednesday December 17, 2014 - 19:50:38 in by Burco Office
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R-Afkashacabka Curyaamiintii Maalmahan Banaanbaxyada Dhigayay oo Gargaar Loo Qeybiyey

    Iyada oo dhawaanahan ay banaanbaxyo joogto ah dhigayeen curyaamiinta Soomaaliyeed iyaga oo ka cabanayay daryeel xumo iyo in gargaarkii loosoo dhiibey aanan lasoo gaarsiinin ayaa maanta 3 kun oo ka mid ah curyaamiinta waxaa loo qeybiyey raashiin isugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada oo dhawaanahan ay banaanbaxyo joogto ah dhigayeen curyaamiinta Soomaaliyeed iyaga oo ka cabanayay daryeel xumo iyo in gargaarkii loosoo dhiibey aanan lasoo gaarsiinin ayaa maanta 3 kun oo ka mid ah curyaamiinta waxaa loo qeybiyey raashiin isugu jira bur iyo sokor. Waxaa raashiinka qeybisey wasaaradda arrimaha gudaha oo ay curyaamiinta ku hor banaanbaxayeen. Naafada raashiinka loo qeybiyey ayaa ku kala nool degmooyinka Hodan iyo Kaaraan, waxayna u badanyihiin dad tabar daran. Gudoomiyaha golaha naafada Qaranka Cali Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay ineey wasaaradda arrimaha gudaha ka codsadeen in la soo gaarsiiyo raashinkan ay keentay hey'adda bisha cas ee Turkiga. Naafada Soomaaliyeed ee ku nool dalka ayaa waxaa soo wajahay duruufo adag oo dhinaca nolosha ah maadaama aysan qabin lixaadkooda. Muqdisho/Office

contact@afkashacabka.com