Cismaan Hindi Oo soo jeediyey In La Sameeyo Sanduuq Qaran Oo Lagu Taageero Ciidanka Booliska Somaliland

0
Monday March 17, 2014 - 13:09:12 in by Super Admin
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cismaan Hindi Oo soo jeediyey In La Sameeyo Sanduuq Qaran Oo Lagu Taageero Ciidanka Booliska Somaliland

    Cismaan Hindi oo shir jaraa'id ku qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu ku baaqay in ay sanduuqaasi ka qayb qaataan dhamaan dadweynaha kala duwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cismaan Hindi oo shir jaraa'id ku qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu ku baaqay in ay sanduuqaasi ka qayb qaataan dhamaan dadweynaha kala duwan

Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi)  ayaa ku baaqay in la sameeyo sanduuq qaran oo lagu taageero ciidamada booliska Somaliland, kaasoo uu ballan qaaday inuu gacanta ugu weyn ka geysan doono.

Cismaan Hindi oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu ku baaqay in ay sanduuqaasi ka qayb qaataan dhamaan dadweynaha kala duwan, ganacsatada iyo qurbejoogta dalka ee lacagaha soo diraya oo uu u soo jeediyey inay ku soo daraan taageerada sanduuqaasi.

 

 

"Waxa aan arkay waddanka oo ammaankiisu boqolkiiba boqol yahay, waana wax Illaaahay loogu mahad-naqo, waxa aan ka hadlayaa in booliska Somaliland in sanduuq qaran loo sameeyo oo laga war hayo, waxa taas igu dhaliyey, markii aan arkay in ay ciidamada boolisku qayb laxaad leh kaga jiraan ammaanka dalka, waayo meesha aan maraba waxa igaga soo baxa inamo ku jeeni qaaran qori oo dirays xidhan oo jooga hadh iyo habeen, waxa ay qaataanna uu ka yar yahay boqol doollar, taasina kuma wada filna dhamaan wixii uu reer u baahnaa oo ardaydii iyo wixii kale kuma filna, sidaas awgeed waxa aan soo jeedinayaa in la sameeyo sanduuq qaran oo lagu caaawiyo ciidanka booliska, waxa aan ka mid ahay ganacsatada Somaliland waxa aan bixin doonaa gacanta ugu weyn aniguna, marka aanu is aragno ganacsatada.”

 

 

 "Marka aan dhaafo booliska ayaan is idhaahdaa yaa u cid ah, dawladduna waatii ballan qaaday oo way dedaashay oo intii ay kordhin lahayd way kordhisay, laakiin askari qaata boqol wax ka yar oo ay sugayso waxaas oo kharash reer ahi, madaxweynaha waxa aan ugu baaqayaa inuu guddi u magacaabo sanduuqaasi ay ciidanka boolisku yeelanayaan oo aanu ugu talogalnay in lagaga caawiyo waxyaabaha ay u baahan yihiin, waxa aan leeyahay sanduuq qaran ha loo sameeyo oo yar iyo weynba ha laga war hayo.” ayu yidhi cisman hindi






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com