Madaxweyne Siilaanyo oo xalay ku hoyday Ceerigaabo, wacdarihii soo dhoweynta weftiga madaxweynaha

0
Monday March 17, 2014 - 16:07:42 in by Super Admin
  • Visits: 953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo xalay ku hoyday Ceerigaabo, wacdarihii soo dhoweynta weftiga madaxweynaha

    iyo madal reer ceerigaabo oo dhami isugu yimi oo madaxweynuhu kaga dhawaaqay bilowgii waddada ceerigaabo. + SAWIRO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyo madal reer ceerigaabo oo dhami isugu yimi oo madaxweynuhu kaga dhawaaqay bilowgii waddada ceerigaabo. + SAWIRO

Ceerigaabo(Afkashacabka)Jawiga maanta oo ahaa mid layaab ku noqday weftiga madaxweynaha ku wehelinaysay safarkan loogu magac-daray Hilaacii Xeebaha Somaliland ka dib markii ay xalayto ku soo hoyden Caasimada Gobolka sanaag ee Ceerigaabo goor habeenimo ah balse ay shacbigu jawaab uga dhigeen saaka Nin daar ku jiraa daruur ma arkee ilayn xalay roobku waa da’ay, maah-maahdaas oo ahayd mid ay weftiga ku dareensiinayeen inay xalay ku soo beegmeen xili roob laxaadleh ka da’ayey Sanaag oon la isu bixin balse maanta ay ka dhigteen isu soo baxoodii kaasi oo noqday daad soo rogmaday oo kale.

IMG_0042

IMG_0009IMG_0022IMG_0042IMG_0053IMG_0073 (1)IMG_0073

Markii waagu beryey waxa magaalada Ceerigaabo soo buux dhaafiyey hareeraha wadada iyaga oo u taagnaa soo bixitaanka madaxweynaha oo maanta ujeedadiisa ugu wayni ahayd inuu ka dhabeeyo balanqaadkisii hore ee ahaa dhagax-dhiga wadada ceerigaabo balse wajigii labaad ee uu madaxweynuhu ku soo gaadho wadadaasi ayaa noqday mid rumoobay oo uu ka dhabeeyey markii uu keenay Qalabkii wadada lagu hirgelin lahaa isaga oo isla maantana Cagta saaray madaxweynuhu Cagaf-cagaftii hormoodka u ahayd Qalabka wadada ceerigaabo loogu talo-galay wadada in lagu dhaqaajiyo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 17.03.2014.

Waxa xasuusteeda leh isu soo bixii ugu balaadhnaa ee ay sameeyaan reer ceerigaabo ayaa waxa uu noqday mid lagu qabtay barxad ka baxsan magaalada balse ahayd halkii laga bilaabayey wadada ee ahayd bilowga wejiga koowaad ee wadada lagana soo bilaabay dhanka Ceerigaabo, sidoo kalena waxa uu salaam sharaf ka qaatay Madaxweynuhu Ciidanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.







Afkashacabka.com

Ceerigaabo /Office

 

Contact@afkashacabka.com


HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRO KALE OO TIRO BADAN