Afhayeenka Xisbiga Waddani Ee USA Mukhtaar Mure Oo Hargeysa Soo Gaadhay Kana Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Hawlaha Xisbiga Ee North America

0
Monday March 17, 2014 - 16:45:38 in by Super Admin
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Xisbiga Waddani Ee USA Mukhtaar Mure Oo Hargeysa Soo Gaadhay Kana Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Hawlaha Xisbiga Ee North America

    Hargeysa (Afkashacabka) Saraakiil sar sare oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani ayaa maanta madaarka Caalamiga Ah Ee Cigaal kusoo dhoweeyay Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Dalka Maraykanka Mudane Mukhtaar Mure

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Afkashacabka) Saraakiil sar sare oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani ayaa maanta madaarka Caalamiga Ah Ee Cigaal kusoo dhoweeyay Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Dalka Maraykanka Mudane Mukhtaar Mure
Afhayeenka Xisbiga Waddani Ee USA Mukhtaar Mure Oo Hargeysa Soo Gaadhay Kana Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Hawlaha Xisbiga Ee North America

Hargeysa (Afkashacabka) Saraakiil sar sare oo katirsan Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani ayaa maanta madaarka Caalamiga Ah Ee Cigaal kusoo dhoweeyay Afhayeenka Xisbiga Waddani ee Dalka Maraykanka Mudane Mukhtaar Mure Warsame oo dalka soo gaadhay.

Mukhtaar Mure Afhayeenka Xisbiga Waddani Ee USA oo warbaahinta la hadlay ayaa kawarbixiyay hawlaha horumar iyo habsi usocodka Laanta USA Ee Xisbigaasi oo usheegay inay hanaanka ugu haboona ushaqaynayaan xiligani Waxanu yidhi:

''Xisbiga Waddani North America dad aad u aqoon badan oo karti leh ayaan isugu nimi waxana shaqsiyaadka aan daalayn hadh iyo habeen ee hawlaha xisbiga wadda kamid ah Gudomiyaha xisbiga Muna Fidhin Gudomiyaha garabka haweenka Hodon Abdulahi Kaariye aqoon yahanka dada yar Nasiir Mohamed Maxud dhoore iyo rag kale oo badan oo aan kala dhicin runtii mudoyinkii udambeeyay xafladda aad u waaweyn baanu samaynay oo xisbiga si weyn ayaa loogu soo biiray waxanadba odhan kartaa North America Waa taageerayaasha ugu badan daliilkeedina Waa la hayaa'' ayu yidhi

Geesta kale Mukhtaar waxa si taxadir leh u iftiimiyay dareenadda ku xeeran qabsoomidda doorashadda madaxtinimo ee Somaliland oo uu xusay inan loo baahnayn inay xiligeeda ka dib dhacdo Waxanu yidhi:

''Dorashooyinka dawladda yar oo aan weli la ixtiraafin oo geeska afrika ku taala haddi doorashadeedu si cadaalad ah iyo waqtigii munaasibka ahaa udhacaan waxay muujinayaan horumarka iyo aqoonsiga degdega ah ee Somaliland heli doonto Werwer aad uwayn baanu ka qabnay balse waxa sharaf noo ah in Madaxweynaha laftarkiisu ku dhawaaqay inaan gelin lagu daraynin doorashadda doorashooyinkuna inay si cadaalad ah udhacaan waa munaasib''

Afhayeenka Xisbiga Waddani Mukhtaar Mure Warsame oo ah shaqsi ku xeeldheer arimaha siyaasadda kana mid ah buradka Xisbiga Waddani iyo Dhidibadda uu ku taagan yahay ayaa socdaalkiisani daaran yahay sidii isku xidh iyo dar dar gelin balaandha loo geli lahaa hawlaha xisbiga dal iyo debedka



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com