Qarax miino oo lala beegsaday aliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala iyo Taliyihii oo geriyooday

0
Monday March 17, 2014 - 19:55:32 in by Super Admin
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax miino oo lala beegsaday aliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aagga Galgala iyo Taliyihii oo geriyooday

    Qaraxa ayaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame (Afgudud).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxa ayaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame (Afgudud).

Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaaso ayaa sheegaaya in galabnimadii maanta miino lala beegsaday gaadhi ay wateen Ciidanka Difaaca Puntland.

Qaraxa ayaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland ee aaga Galgala Col. Jaamac Siciid Warsame (Afgudud).

Taliyaha ayaa dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, waxaana markii dambe uu ku geeriyooday isbitaalka Bosaaso oo dhaawac ahaan loo soo gaarsiiyey, sida ay sheegaayan wararku.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay ilaa saddex askari oo la saarnayd gaadhiga oo qaraxa lagula beegsaday duleedka magaalada Bosaaso gaar ahaan aaga tuulada Yalho.

Maamulka  Puntland ayaan weli ka hadal dhacdadaan iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay qaraxaan balse loo badinaayo kooxda ku jirta Buuralayda Galgala oo ay Ciidamda Puntland marar badan dagaalameen.





source: waaheen