In ka badan kun qof oo muhaajiriin sharci darro ah ayaa la badbaadiyey iyaga oo isku dayayey in ay ka gudbaan badda mediterraneanka intii lagu gudo jiray 24kii saacadood ee la soo dhaafay wax yar uun ka hor ciidda Christmas-ka.
5 qof ee muhaajiriintan sharci darada ah ayaa ku geeriyooday intii
ay ku gudo jireen safar dheer oo ay doonayeen in ay kaga gudbaan Afrika
iyaga oo safar khatar badan u gelayey sidii ay ku gaadhi lahaayeen
qaaradda Yurub.
Masuuliyiinta Talyaaniga ayaa sheegay in ay badbaadiyeen muhaajiriin
tiradoodu gaadheysay 1,026 qof xilli lagu gudo jiray dhowr hawlgal oo
ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga ka fuliyeen nawaaxiga gacanka
Sicily intii lagu gudo jiray 24 kii saacadood ee la soo dhaafay.
Mid ka mid ah dadka geeriyooday ayaa waxaa soo qaaday markab dagaal
ka dib markii markab ganacsi uu ku wareejiyey, halka afarta kale lagu
wareejiyey doon ay lahaayeen ciidanka ilaalada xeebaha ee Orione.
Xili sii horeysay oo bishan ah hay’adda Qaramada Midoobay u
qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR ayaa qiyaastay in 3,419 oo muhaajiriin ah
ay geeriyoodeen iyaga oo doonaya in ay ka talaabaan badda Mediterranean
si ay u galaan qaarada Yurub, iyada oo taasi ay badda mediterraneanka ka
dhigtay mid ka mid ah marin badeedyada ugu khatarsan dunida.
In badan oo ka mid ah waxay ka tageen Liibiya iyaga oo ku sii jeeday
Talyaaniga iyo Maalta , laakiin waxaa ku soo baxay duruufo aad u adag
oo ay kala kulmeen safaradii ay galeen kuwaas oo ugu danbeyntii keenay
in ay geeriyoodaan.
contact@afkashacabka.com
Talyaaniga Oo Bedbaadiyey Tahriibyaal
In ka badan kun qof oo muhaajiriin sharci darro ah ayaa la badbaadiyey iyaga oo isku dayayey in ay ka gudbaan badda mediterraneanka intii lagu gudo jiray 24kii saacadood ee la soo dhaafay wax yar uun ka hor ciidda Christmas-ka.