Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ku soo fool leh magaalada Muqdisho iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

0
Thursday February 06, 2014 - 07:52:18 in by Super Admin
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ku soo fool leh magaalada Muqdisho iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

    Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegaay inuu dhawaan imaanayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya halkaaso saldhig uu ah madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegaay inuu dhawaan imaanayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya halkaaso saldhig uu ah madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya,

ujeedada uu la xiriiro safarka uu madaxweyne C/wali ku imaanayo  Muqdisho ayaa waxaa lugu sheegay inay tahay ka qeyb-galka aaska qaran ee loogu sameynayo Muqdisho raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday  dalka Marekanka kaas oo la sheegay in lagu aasayo magaalada muqdisho oo dhawaan lagu wado in la keeno meydkiisa.

Xiriirka dowladda faderaalka iyo Puntland ayaa horey u ahaa mid aan wanaagsaneyn,waxaana xukuumaddi ka horeysay madaxweyne C/wali ee uu hoggaaminayey Dr Faroole ay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya lamana oga in booqashada madaxweyn aha puntland ee muqdisho ay wax kabedeli doonto xiriirka labada dhinac inkastoo madaxweynaha cusub ee puntland uu sheegay in la soo celinayo xiriirka puntland iyo dowladda dhexe ee soomaaliya balse sida uu yiri loo baahan yahay in wax laga qabto tabashada Puntland.