Al-shabaab Oo Baahisay Wareysi Uu Bixiyey Ninkii Hoggaaminayey Kooxdii Weerartay Fadhiisinka AMISOM Ee Muqdisho,Mabda'iisii & Dardaarankiisa

0
Tuesday December 30, 2014 - 14:59:17 in by Burco Office
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab Oo Baahisay Wareysi Uu Bixiyey Ninkii Hoggaaminayey Kooxdii Weerartay Fadhiisinka AMISOM Ee Muqdisho,Mabda'iisii & Dardaarankiisa

    Idaacadda Andulus ee kooxda Al-shabaab ayaa shalay baahisay Wareysi laga qaadey Nuur Idiris Aaden (Sahal) oo ahaa hoggaamiyihii watay dagaalyahannadii Al-shabaab ee Khamiistii toddobaadkii hore weerarka qorshaysan ku qaadey xarunta ciidamada Midowga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacadda Andulus ee kooxda Al-shabaab ayaa shalay baahisay Wareysi laga qaadey Nuur Idiris Aaden (Sahal) oo ahaa hoggaamiyihii watay dagaalyahannadii Al-shabaab ee Khamiistii toddobaadkii hore weerarka qorshaysan ku qaadey xarunta ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee Magaalada Muqdisho oo ku taalla dugsigii hore ee tababarka booliska Soomaaliya ee Xalane. Weerarkaasi oo Al-shabaab sheegatay inay ku dhinteen ilaa 14 qof oo askar ku jirto.


Nuur Idiris Aaden oo gudaha Al-shabaab looga yaqaaney Sahal oo Wareysigan bixiyey ka hor hawl-galka kooxda uu hoggaaminayey ku qaadey xarunta AMISOM ee Xalane ee Magaalada Muqdisho, ayaa soo bandhigay waxa uu ka aaminsanaa hawl-galkaasi oo dhammaan dagaalyahannadii fuliyey ay AMISOM sheegtay inay laysay.

Idiris waxa uu sii sheegay in hawlgalka Xalane ay kaga aar-gudanayaan dilkii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo uu tilmaamay in hawl-galkii lagu dilay laga soo maleegay Xerada AMISOM ee Xalane.

Nuur Idiris Aaden (Sahal) oo ugu horeyn ka hadlaya sida ay u qaadayaan hawlgalkii Xalane ayaa yidhi "Magaceyga waa Nuur Idiris Aaden, Mujaahdiintu waxay ii yaqaanaan Sahal, waxaan ka tirsanahay Mujaahidiinta, waxaan u socdaa oo rabaa wakhti dhow oo saacado innaga xigaan inaan ILAAHAY la kulmo (Ka hor weerarkii Xalane), waayo waxaan u socdaa meelaha Muslimiinta iyo Mujaahidiinta lagu soo maleego shirqooladooda. Meesha aan u soconaa waa meel ay Gaaladu is leeyihiin waa meel aanay cid gelin Karin, laakiin waxaan u sheegayaa in Mujaahidiintu meel kasta geli karaan, haddey dhufays samaystaan iyo haddii ay dhulka hoostiisa galaan”

Nuur Idiris oo sii hadlaya ayaa sheegay "Halkaasi (Xalane) waa halkii laga soo Maleegay dilka Amiirkeennii (Godane), markaa waxaanu doonaynaa inaanu ka aar-goosanno gaalada is leh ha dhimanina ee adduunka iskaga raaxeysta. Waxaanu rajeynaynaa inaanu halkaa (Xalane) aanu ku shahiidno oo aanu ILAAHAY kula kulanno”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Hawlgalkan ILAAHAY baa ii doortay, waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu igu barakeeyo oo Muslimiin badan ku farxaan oo Mujaahidiinta iyo guud ahaan ummadda ay u noqoto wax ay ku daydaan, anigana masuuliyaddaa uu ii fududeeyo”

 

 


Nuur Idiris, waxa kale oo ii sheegay waxa uu ka aamisanaa hawlgalkan khatarta badan "Mujaahidiinta waxaan leeyahay naftu mar walba baxaysaa ee hala dagaalamo oo waddada xaqa ah ku shahiida, waxaana wanaagsan inaad ILAAHAY ku tidhaahdo waxaan u soo deg-degay jannooyinkaaga”

Ninkani waxa uu sheegay inuu hore ugu riyooday hawl-galka uu dagaalyahannada Al-shabaab ugu hoggaamiyey xerad AMISOM ee Xalane "Halka aan hadda ku socdo (Xalane) hadda ka hor ayaan ku riyooday aniga oo ku shahiidaya, weliba anigoo Hawlgal ku qaadaya oo raggii aanu saaxiibkay ee aanu wada soconay ku shahiidayaan (Dhimanayaan), aniguna aan kaligay ka soo hadhayo, ka dibna aanu isku soo hadheyno nin Afrikaan ah oo sita Qori BKM ah, dabadeedna qoriga ayaan ka qaadanayaa (Riyada dhexdeeda), aniga oo askari kale oo Afrikaan ah la dagaalaya ayaan maqlayaa Saacad Codkeed (codka saacadaha qaarkood sameeyaan marka wakhtigu buuxo), markaasi ka dib ayaa rasaas igu dhaceysaa, laakiin halkii Rasaastu igaga dhacday iyo halkii ay iga baxday ayaan gacmaha saarayaa, aniga oo aan wax xanuun ah aan dareemayn ayay Naftu iga baxeysaa” ayuu yidhi, Nuur Idiris Aaden oo intaasi sii raaciyey "Ka dib waxa ii imanaya laba hablood, waxayna igu odhanayaan waxaanu kuu geynaynaa walaashaa (aakhiro), waxayna ii kaxeynayaan fooq ka samaysan muraayad wada casaan ah, markaanu badhtanka mareynno ayaa labadii hablood mid hadhay, tii ugu soo hadhay ayaa iigu yeedhaysa Magaceyga Rasmiga ah ee Nuur Idiris Aaden, waxay igu tidhi Miyaad Sooman tahay, waxaan ku idhi haa..haddana waxay igu tidhi Maxaad Marar Soonka Sunnaha ah u Daysaa, aniguna waxaan ku idhi ii soo duceeya inaan Soonka Sunnaha ah dheeli-tiro..markaasi ka dib ayaan hurdada ka toosay”

Idiris, oo sii hadlaya ayaa sheegay "Markaa maanta oo Khamiis ah, waxaan jecelahay inaan hablahaa la kulmi doono (Maalintii Hawlgalka Xalane dhacay)…”

Ninkani wuxuu muujiyey inuu jiro khilaaf u dhexeeya hoggaamiyayaasha Al-shabaab, waxaanu kula sii taliyey in la addeeco hoggaamiyaha wakhtigan ee Al-shabaab "Mujaahidiinta waxaan u sheegayaa, Jihaadku ma soconayo is-caddeecid la’aan, waa in Mujaahidiintu amarka kala qaataan, nin walbana uu meeshii loogu talo-galay uu ku samro ayaan u dardarmayaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey "Waxaan leeyahay Amiirkeena Abu-cubeyda ha loogu duceeyo jihaadka uu Amiirka inoogu yahay, masuuliyad weyn ayuu hayaa ee ha la garab istaago..”

contact@afkashacabka.com