Wasiirka Madaxtooyada Oo Kulan Ballaadhan La Yeeshay Saladiinta Iyo Cuqaasha Gobolka Togdheer Oo Isu Dhan +Sawiro

0
Wednesday December 31, 2014 - 19:44:28 in by Burco Office
  • Visits: 755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Oo Kulan Ballaadhan La Yeeshay Saladiinta Iyo Cuqaasha Gobolka Togdheer Oo Isu Dhan +Sawiro

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo ay weheliyaan Wasiiru dawlaha Maaliyada iyo Wasiir ku-xigeenka Beeraha, ayaa kulan ballaadhan la qaatay Saladiinta, Cuqaasha iyo Wax garadka Gobolka Togdheer. Kulankan oo ka qabsoomay Hut

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo ay weheliyaan Wasiiru dawlaha Maaliyada iyo Wasiir ku-xigeenka Beeraha, ayaa kulan ballaadhan la qaatay Saladiinta, Cuqaasha iyo Wax garadka Gobolka Togdheer. Kulankan oo ka qabsoomay Huteelka City Plaza Hotel, Qaybtiisi hore oo ahayd Qado sharaf marti qaad ah oo Wasiirku fidiyay, kadib markii Hadhimo sharafeedku dhammaatay waxa qabsoomay shir ballaadhan oo Cuqaasha iyo Saladiintu la yeelatay Wasiirada.


Waxaana halkaas ka hadlay Cuqaasha Gobolka Togdheer, kuwaas oo si weyn u xusay Wax qabadka Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silaanyo, sidoo kale waxay u qadimeen baahiyaha Gobolka ka jira, iyagoo xusay xoojinta ammaanka Gobolka iyo dhismaha Jeelka weyn ee Magaaladda oo baahi badani ka taagan tahay.

Suldaan Maxamuud Xaji Xusen oo kamid ah Saladiinta Gobolka Todheer, oo isna ka hadlay shirkaas, ayaa sheegay inay Xukuumaddu cashuur yar uga jarto xoolaha tirada badan ee Gobolka ka gudba, kuwaas oo aanay ka qaadin wax cashuur ah. Suldaan Maxamuud Guuleed Mire oo isna ka goobti shirka hadal ka jeediyay, ayaa sheegay muhiimada ay midnimadu leedahay. Wasiir ku-xigeenka Beeraha iyo Wasiiru dawlaha Maaliyada, ayaa iyaguna dar daaran dheer u jeediyay Madax dhaqameedka Gobolka Togdheer.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo soo xidhay xaflaas, ayaa uga mahad celiyay Madaxdhaqameedka Gobolka Togdheer, siday u soo xaadireen Shirka iyo waliba dhiiri galintooda ay qireen Wax qabadka Xukuumadda, sidoo kale wuxuu u soo jeediyay Madax dhaqanka Gobolka Togdheer inay dib u dar dar galiyaan guddidii horumarinta Gobolka oo wax badan ka qabtay Gobolka. Guud ahaan shirka ayaa laga dheehanaayay is afgarad ka muuqday Madax dhaqameedka Gobolka iyo Waftiga Wasiirada.

10881333_10152948271103535_1456329975_n10877927_10152948287163535_258361187_n10881167_10152948274958535_1837486165_n10833760_10152948285233535_1911024725_n10836537_10152948275518535_1573072452_n10846686_10152948275043535_647592461_n10866905_10152948279528535_450187743_n10846686_10152948278508535_1059552947_n10877441_10152948274598535_45692724_n10877770_10152948276118535_191299759_n10877888_10152948274663535_100424451_n

 


10833760_10152948285233535_1911024725_n10872335_10152948270993535_179532141_n10881319_10152948287603535_837293518_n10884492_10152948279438535_1616019749_n10884648_10152948279788535_433866965_n10884907_10152948270748535_1948641735_n10881350_10152948287473535_1928972251_n10881356_10152948275993535_1077948541_n10887901_10152948272083535_2073649893_n10888044_10152948275688535_1018263244_n10893551_10152948278688535_47973700_n10893675_10152948278968535_1412643320_n10893769_10152948283678535_1886982880_n10899689_10152948282833535_746051427_n10899732_10152948280853535_1525361290_n10899757_10152948274523535_838996337_n10904220_10152948279233535_2031850697_n


Cabdirisaaq koronto
Burco/Office
contact@afkahacabka.com