Mourinho Oo Raaligeliyay Garsoore Kevin Friend Ka Dib Isfahamwaa Rigoore Oo Dhacay.

0
Monday January 05, 2015 - 10:54:10 in by Burco Office
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho Oo Raaligeliyay Garsoore Kevin Friend Ka Dib Isfahamwaa Rigoore Oo Dhacay.

    Jose Mourinho ayaa goob joog u ahaa kooxdiisa oo weli ku jirta tartanka ay ugu jirto hanashada afar koob xilli ciyaareedkan iyagoo si sahlan ku dardaray kooxda Watford, ka dibna waxa uu soo saaray raaligelin ku wajahay garsoore Kevin Friend ka dib ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa goob joog u ahaa kooxdiisa oo weli ku jirta tartanka ay ugu jirto hanashada afar koob xilli ciyaareedkan iyagoo si sahlan ku dardaray kooxda Watford, ka dibna waxa uu soo saaray raaligelin ku wajahay garsoore Kevin Friend ka dib markii uu ku weeraray wareysi uu bixiyay islamarkii ay ciyaarta soo dhamaatay.


Inkastoo Willian, Remy iyo Zouma ay ka caawiyeen inay 3-0 kaga badiyaan Watford, Special One ayaa ka careysnaa in Friend uu ka beeniyay rigoore kooxda Chelsea isagoo aaminsanaa inay aheyd rigooradii seddexaad ee laga beeniyo seddex kulan oo isku xigta.

Waxaana qaladkaas uu yimid markii uu Remy dhalinayay goolkii labaad ee ciyaarta.

Mourinho oo careysan ayaa u sheegay BBC ka dib ciyaarta: "Maanta waa kulankii seddexaad ee isku xiga, waa rigooradii seddexaad.

"Waxa ay aheyd rigoore cad. Rigoore cad. Nasiib ayaan ku laheyn Remy ayaa dhaliyay. Laakiin waa rigooradii seddexaad ee seddex kulan: Southampton, Tottenham iyo Watford.”

Ka dib markii uu la hadlay garsooraha shaqsi ahaantiisa, si kastaba, tababaraha Blues ayaa bedelay maankiisa markii uu qabanayay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.

Waxa uu yiri: "Waxaan la hadlay garsooraha, waxaana doonayaa inaan raaligelin ka bixiyo hadalkii aan ka iri TV-ga. Waxa uu sameeyay waa wax uu sameeyo garsoore weyn.

"Waa uu arkay inay rigoore aheyd. Waa uu doonayay inuu rigoore dhigo. Laakiin waxa uu arkay kubada oo u socota Remy, waxaana uu sugay labo ilbiriqsi.

"Waxa uu ii sheegay haddii uusan Remy koontarooli laheyn kubada ama kubada ay goolka dushiisa mari laheyd ama kubada uu dhumin lahaa inuu dhigi lahaa rigoore. Sidaasi darteed waa garsoore fiican. Waan cabanayay laakiin si fiican ayuu wax u garsooray Kevin.




contact@afkashacbka.com