Garabka Haweenka Xisbiga UCID iyo Hogaanka Xisbiga Oo munasibadd soo dhoweyn iyo xog warran ah ku yeeshay Hargeysa+SAWIRO

0
Thursday March 20, 2014 - 17:38:05 in by Super Admin
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garabka Haweenka Xisbiga UCID iyo Hogaanka Xisbiga Oo munasibadd soo dhoweyn iyo xog warran ah ku yeeshay Hargeysa+SAWIRO

    Hargeysa (Afkashacabka) Hogaanka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Ayaa Maanta Munaasibad Balaadhan Oo Qado Sharaf Ah Ku Qaabilay Garabka Haweenka Ee Xisbigaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (Afkashacabka) Hogaanka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Ayaa Maanta Munaasibad Balaadhan Oo Qado Sharaf Ah Ku Qaabilay Garabka Haweenka Ee Xisbigaasi.


u5(1)u5(2)u1(1)Munaasibadan Oo Ka Qabsoontay Hotel Dalxiis Ee Magaalada Hargeysa Ayaa Waxa Ka Soo Qayb Galay Hogaanka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Oo Uu Hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Hogaanka Garabka Haweenka Ee Xisbigaasi.

u2(1)u3(1)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Kulankan Ayaa Waxa Uu Ka Soo Jeediyey Khudbad Dhinacyo  Badan Taabanaysa Isaga Oo Haweenka Xisbiga Ucidna Ugu Baaqay Inay Der Der Geliyaan Hawlaha Xisbiga.

u4(1)u6(1)Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe Waxa Uu Sheegay In Xisbiga Ucid Uu Ahmiyad Dheeraad Ah Siinayo Haweenka Isla Markaana Ku Dhiiri Gelinayo Inay Qaybtooda Ka Qaataan Horu Marinta Xisbiga Ucid.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxa Kale Oo Uu Ka Hadlay Arimo La Xidhiidha Doorashooyinka Wadanka Ka Qabsoomay Sanadka Soo Socda, Hawlaha Shirka Dooda Qaran Ee La Qaban Doon Bisha June Iyo Sida Uu U Arko Mudo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Waxa Uu Si Kulul U Sheegay Inaanay Aqbali Doonin Mudo Kordhin Loo Sameeyo Xukuumada Haatan Dalka Ka Jirta, Waxaanu Sheegay Inaanay Suura Gel Ahayn In Mudo Kordhin Loo Sameeyo.

Sidoo Kale Waxa Uu Hogaamiyaha Xisbiga Ucid Sheegay In Shirka Dooda  Qaran Ee La Qaban Doono Bisha June Uu Rajayno In Lagaga Hadlo Arimo La Xidhiidha Xaalada Uu Haatan Dalku Ku Jiro, Waxaanu Sheegay In Laga Wada Hadlay Sidii Loo Qaban Lahaa Doorashooyinka Culayska Badan Ee Dalka Ku Soo Socda Ee Baarlamaanka,Guurtida Iyo Madaxtooyada.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Ee Xisbiga  Faysal Abiib Guurane Oo Ugu Horayntiiba Ka Hadlay Munaasibadan Ayaa Sheegay In Ujeedada Kulankan Laga Leeyahay Ay Tahay Sidii Layskugu Xog Waraysan Lahaa Halka Ay Marayaan Hawlaha Xisbiga Ucid Ee Dhinaca Haweenka, Waxaanu Haweenka Xisbigaas Ugu Baaqay Inay Dedaal Dheeraad Ah Sii Geliyaan Xisbiga Isaga Oo Xusay Inay Kaalin Muhiim Ah Kaga Jiraan Xisbiga Ucid.

Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Ucid Xaliimo Cismaan Raage  Oo Iyaduna Ka Hadashay Kulankan Ayaa Sheegtay Inay Soo Dhawaynayaan Kulankan Ay La Qaateen Hogaanka Xisbiga Ucid, Waxaanay Tilmaantay Inay Kaalintooda Ka Qaadan Doonaan Horu Marinta Xisbiga Ucid.

Dhinaca Kale Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi  Oo Isaguna Kulankan Ka Hadlay Ayaa Garabka Haweenka Ee Xisbigaas U Soo Jeediyey Inay Xubno Ku Soo Darsadaan Waaxda Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid Taas Oo Uu Sheegay Inay Ka Qayb Qaadan Doonto Sidii Loo Faafin Lahaa Wararka La Xidhiidha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Ucid.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com