Muxuu Carlo Ancelotti Ka Yidhi Kulankii Ay Atletico Madrid Kooxdiisa Real Madrid Kaga Reebatay Copa Del Rey?

0
Friday January 16, 2015 - 11:04:14 in by Burco Office
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Carlo Ancelotti Ka Yidhi Kulankii Ay Atletico Madrid Kooxdiisa Real Madrid Kaga Reebatay Copa Del Rey?

    Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa kadib markii kooxdiisu ay barbaro 2:2 ah la gashay kooxda Atletico Madrid isla markaan ay celcelis ahaan 4:2 kaga hadhay koobka Copa Del Rey ayaa ka hadlay arimo badan oo kooxdiisa iyo kulakanba ku aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa kadib markii kooxdiisu ay barbaro 2:2 ah la gashay kooxda Atletico Madrid isla markaan ay celcelis ahaan 4:2 kaga hadhay koobka Copa Del Rey ayaa ka hadlay arimo badan oo kooxdiisa iyo kulakanba ku aadan.


Ancelotti ayaa la waydiiyay inuu dhib ku abo Mardrid Derby wuxuuna ku jawaabay: "Sanadkii hore si fiican ayaanu u shaqaynay laakiin sanadkan wali si fiican u maanu shaqayn. Waxaanu Atletico kaga horaynaa horyaalka, waxaananu eegi doonaa kulanka xiga”.

Ancelotti oo ka hadlayay qaladaadkii badnaa ee ay kooxdiisu xalay samaysay ayaa yidhi: "Waxaanu u baaha nahay inaanu eegono qaladaadkii aanu samaynay kulankan. Waan ku farax sanahay sida aanu u ciyaarnay qabtii hore ee ciyaarta. Si fiican ayaanu u dagaalanay qaab fiicana waanu u dheelnay.

"Waxaanu samaynay qaladaad aanaan caadiyan samaynin, gaar ahaan in aanu kubbada lumino oo kale, laakiin arintaasi hadda waa mid dhamaatay. Waxaan rajaynayaa in aanaan qalaad kaas oo kale mardanbe samaynin”.

Intaa kadib ayuu Ancelotti ka hadlay Pepe oo dhaawac ciyaarta looga saaray wuxuuna yidhi: "Wuxuu dhaawac ka soo gaadhay feedhaha, xanuun ayuuna ka dareemayay. Waxaana la marin doonaa X-ray-ga saacadaha soo socda, kadibna waanu eegi doonaa”.pepe

Real Madrid ayaan shantii kulan ee ugu danbeeyay wax guul ah ka gaadhin kulanka Madrid Derby, hal kulan ayay barbaro galeen halka afarta kulan ee kale ay guuldaro ka soo gaadhay kooxda Atletico Madrid oo noqtay kooxda Carlo Ancelotti ku noqatay lafta dhuun gashay.

contact@afkashaacbka.com