Ciraaq: Magacyada Soomaali Ku Dhintay Dagaalladii U Dambeeyay Ee DAACISH Iyo Xoogagga Kurdiyiinta

0
Friday January 16, 2015 - 12:14:34 in by salman abdi
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciraaq: Magacyada Soomaali Ku Dhintay Dagaalladii U Dambeeyay Ee DAACISH Iyo Xoogagga Kurdiyiinta

    Labo ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee qurbaha kaga biiray kooxda ISIS ayaa la soo wariyey inay ku dhinteen dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee Sinjar ee waqooyiga dalka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ah ee qurbaha kaga biiray kooxda ISIS ayaa la soo wariyey inay ku dhinteen dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee Sinjar ee waqooyiga dalka Ciraaq.


 


Xoogaga Kurdida ee ka dagaalamaya dhulka buuraleyda ah ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan meydadka dagaalyahanada kasoo jeeda wadamada Soomaaliya iyo Liibiya oo lagu dilay dagaalkii ay la galeen ciidamada Bashmerga (Peshmerga) ee Kurdida Ciraaq.


Ragga Soomaalida ah ee dagaalada ku dhintay ayaa waxaa magacyadooda lagu sheegay Faarax Cismaan iyo Fabiyaan Cabdulqaadir.

Dhinaca kale, Dowlada Ciraaq ayaa sheegtay inayna kaalmo dhameystiran ka helin Isbaheysiga Maraykanka uu hoggaamiyo ee la dagaalanka Daacish.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ciraaq Selim al-Jabouri ayaa sheegay in weli dowladooda ayna helin taageero ku

filan oo ay uga guuleystaan kooxda ISIS, isagoo sheegay in balanqaadyo horey loogu fidiyey ayna waxna ka hirgelin.


Contact@afkashacabka.com