Muuse Biixi Oo Aan Ka Mid Ahayn Weftiga Madaxweyne Siilaanyo Iyo Su'aalo La Iska Weydiinayo Sababta Keentay

0
Sunday January 18, 2015 - 13:24:31 in by Burco Office
  • Visits: 668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Aan Ka Mid Ahayn Weftiga Madaxweyne Siilaanyo Iyo Su'aalo La Iska Weydiinayo Sababta Keentay

    Hargeysa(AFKA)-Waxa ay bulshada siyaasadda xiisaysa ee Somaliland labadii cishol ee u dambeeyay aad isu weydiinayeen sababta uu guddoomiyaha KULMIYE md. Muuse Biixi Cabdi uga mid noqon waayay weftiga Madaxweyne Siilaanyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)-Waxa ay bulshada siyaasadda xiisaysa ee Somaliland labadii cishol ee u dambeeyay aad isu weydiinayeen sababta uu guddoomiyaha KULMIYE md. Muuse Biixi Cabdi uga mid noqon waayay weftiga Madaxweyne Siilaanyo.

Muuse Biixi oo ah guddoonka xisbul xaakimka talada haya ayaan ka mid ahayn weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo dad kale oo aad u tiro badan. Waxaana weftiga Madaxweyne Siilaanyo ka mid ah wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah ragga ay Muuse Biixi siyaasada ku loolamayaan.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu shacabka u sharaxayaa wax qabadka xukuumadiisa, waxaanu dhagax dhigayaa mashaariic, isagoo qaar kalena xadhiga ka jaraya, waxase aan ka dhex muuqan guddoomiyaha xisbigii laga soo doortay ee KULMIYE islamarkaana uu weli ka sharaxanyahay.

Dadka qaar ayaa tilmaamaya in ka maqnaasnaanshaha safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Muuse Biixi ay ka turjumayso inaanu weli wanaagsanayn xidhiidhka Madaxweynaha iyo Muuse Biixi, halka ay kuwo kalena tilmaamayaan in Madaxweyne Siilaanyo go’aansaday inaanu safarkiisa ka dhex muuqan xisbiga KULMIYE, si aanay xisbiyada mucaaradku uga bixin safarkiisa muuqaal ah inuu yahay safar olole.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan wax ka weydiiyo ayaanay u suurtogelin. Waxase xaqiiq ah in safarkan uu ka hadhay ee Madaxweyne Siilaanyo uu dhaliyay su’aalo looga fadhiyo inay isaga iyo Madaxweynuhuba uga jawaabaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo ku jaho-wareersan siyaasadda xisbiga.

C/risaaq Koronto

Hargeisa/Office

Contct@afkashacabka.com