Madaxwaynaha Jabuuti oo maanta ka hadlay inay wadayaan dagaalka ay kula jiraan argagaxisada

0
Friday March 21, 2014 - 22:35:44 in by salman abdi
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Jabuuti oo maanta ka hadlay inay wadayaan dagaalka ay kula jiraan argagaxisada

    Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay maydadka lix askari oo Jabuutiyaan ah laga dajiyay garoonka diyaaradaha Jabuuti, ayaa sheega inay ka go'an tahay inay la dagaalamaan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay argagaxiso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay maydadka lix askari oo Jabuutiyaan ah laga dajiyay garoonka diyaaradaha Jabuuti, ayaa sheega inay ka go'an tahay inay la dagaalamaan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay argagaxiso.


"Askartan waa geesiyaal naftooda u huray iyagoo dagaal kula jira argagaxisada ku habsatay Soomaaliya, si ay shacabka Soomaaliyeed uga dul-qaadaan, waxaana odhan karaa waa shuhaddo,” ayuu yidhi madaxweyne Geelle.


"Waxaan halkan ka sheegayaa inay ducadeenna, wax-siinteenna iyo wixii ay nooga baahdaan aan mar walba la garab-taagannahay ciidamadeenna ku sugan Somalia iyo kuwa aan u diri doonno si ay dalkaas nabad ugu soo dabaalaan,” ayuu mar kale yidhi madaxweyne Geelle.


Madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in ehellada ay ka geeriyoodeen askartii xalay maydadkooda la geeyay Jabuuti ay xukuumaddu gacan-siin doonto, isagoo sheegay in aanay marna illaawi doonin howshii ay qabteen.o -

waxa kale oo madaxwayanahu sheegay inuu had iyo jeer la dagaalami donoo argagaxisada ku habsatay wadamo badan oo kamida calamka oo ay uharayso Somalia anagu ka dawlad ahaan waxaan ku jirnaa heegan dhanka amaanka  ku adkaynayno in aanay marnaba usoo jeedsan dhankaayaga inta aan wadamada jaarka  ah caawin karno waan caawin doonnaa ayuu yidhi madaxwaynaha jabuuti 


Afkashacabka.com

Jabuuti/Office

Contact@afkashacabka.com