Natiijooyinka Kulamadii Xalay La Ciyaaray Ee Koobka Qaaradda Afrika

0
Monday January 19, 2015 - 10:57:27 in by Burco Office
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinka Kulamadii Xalay La Ciyaaray Ee Koobka Qaaradda Afrika

    Xulalka Qaramada Tunisia Iyo Cape Verde oo Barbaro Galay, Kulan Ka Tirsanaa Group B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulalka Qaramada Tunisia Iyo Cape Verde oo Barbaro Galay, Kulan Ka Tirsanaa Group B


Tunisa-and-Cape

Xulalka qaramada Tunisa iyo Cape Verde ayaa barbaro min hal gool ah ku kala baxay kulankii labaad ee Group B. Afarta xul qaran ee ku jira Group B ayaa dhamaantood kulamadii furitaanka ku dhamaystay barbaro iyada oo xulkastaaba uu hal dhibic ka helay kulamada ugu horeeyay.

Tunisa ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 70 aad waxaana goolkaas u dhaliyay Mohamed Monser ,wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Tunisia ciyaarta hogaanka ugu qabatay. Kubbad uu caawinteeda lahaa Ali Maaloul ayuu Monser xulka qarankiisa goolka ugu dhaliyay.weight: inherit; font-style: inherit;" src="http://www.laacib.net/wp-content/uploads/2015/01/Manser.jpg" alt="Manser" height="424" width="759">

Hogaanka ay Tunisa la wareegtay ayaan noqon mid sii waara waxaana daqiiqadii 78 aad goolka barbaraha la timid xulka qaranka jasiirada Cape Verde, waxaana gool rekoodhe ahaa gool ugu sarifay xidigoodaHéldon Ramos. ciyaarta ayaana noqotay barbaro min hal gool ah.Qaladka rekoodhaha Tunisa lagu dhigay ayuu lahaaBen Youssef. ciyaarta ayaana ku dhamaaday barbaro 1:1 ah.cape

Group B oo ay kuwada jiraan xulalka qaramada Tunisia, Zambia, DR Congo iyo Cape Verde ayaa dhamaantood barbaro galay wuxuuna xulkastaaba lee yahay min hal dhibic. Waxaana caawa la ciyaara kulamada Group kii labaad iyada oo xalay la ciyaaray Group A oo ay Gabon hogaaminayso.

Xulalka Qaramada Zambia iyo DR Congo Oo Barbaro Ku Kala Baxay Kulan ka Furitaanka Group B

Zambia vs DR Congo

Xulalka qaramada Zambia iyo DR Congo ayaa barbaro min hal gool ah ku kala baxay kulanka furitaanka u ahaa Group B.Group B ayay kuwaa jiraan xulalka qaramada DR Congo, Zambia, Tunisia iyo jasiirada Cape Verde.

Zambia ayaa daqiiqadii labaad ee bilawgii ciyaartaba heshay fursada ay ciyaarta hogaankeeda kula wareegtay, waxaana goolkaas u dhaliyay xidigeeda Singuluma kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Zambia xili hore hogaanka ciyaarta kula wareegtay. Qaybta hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1:0 ay Zambia hogaanka ku haysay.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay DR Congo dadaal badan samaysay taas oo keentay inay daqiiqadii 66 aad la yimaadaan goolka barbaraha. Waxaana goolkaas u saxiixay xidiga kooxda Crystal Palace ee Yannick Bolasie kaas oo xulka qarankiisa ka badbaadiyay guuldaro ka soo gaadhi lahayd Zambia.ciyaarta ayaana ku dhamaatay barbaro min hal gool ah.

Tartanka koobka qaramada Afrika oo xalay furmay ayay hore u soo ciyaareen xulalka qaramada Group A.Iyada oo Gabon hogaanka u qabtay kadib markii ay guulka gaadhay Burkina Faso. Kulanka kale ee caawa la ciyaari doono Group B ayay iskaga hor iman doonaan Tunisa iyo jasiirada Cape Verde.

contact@afkashacabka.com