Isra'iil Oo Dishay Saraakiil Ka Tirsan Ururka Xisbullah

0
Monday January 19, 2015 - 12:56:57 in by salman abdi
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isra'iil Oo Dishay Saraakiil Ka Tirsan Ururka Xisbullah

    Ururka Xisbullah ayaa sheegay in dhowr ka mid ah dagaal yahannadiisa, oo uu ka mid yahay taliye sare, ay ku dhinteen weerar dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha Israa'iil ka geysteen gudaha Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in dhowr ka mid ah dagaal yahannadiisa, oo uu ka mid yahay taliye sare, ay ku dhinteen weerar dhanka cirka ah oo ay diyaaradaha Israa'iil ka geysteen gudaha Suuriya.


Ciidamada Israa’iil ayaan weli ka hadlin weerarka, balse wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xigatay ilo wareedyo Israa’iil ah oo u xaqiijiyay weerarka dhanka cirka ah.
Waxaa la sheegay in weerarka cirka ay ku dhinteen taliye Xisbullah ah iyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada ilaalada jamhuuriga ee Iran.


Waxaa ka mid ah dagaalyahannada weerarka ku dhintay wiil uu dhalay taliyihii hoggaanka u hayay Xisbullah, wiilkaas oo lagu magacaabo Imad Mougniah.
Aabbihii, Jihad Moughniyah, ayay Israa’iil ku dishay caasimadda Suuriya ee Dimishiq sanadkii 2008-dii.
Ma cadda qaabka loo fuliyay weerarkan, balse waxaa ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ee Israa’iil laga soo xigtay in diyaarad helicopter ah ay gantaal ku dhufatay gaadhi ay wateen ragga la dilay oo marayay meel u dhow soohdinta ay Israa’iil la wadaagto Suuriya.
Telefishinka Al-Manar ee ay leedahay Xisbullah ayaa sheegay in Israa’iil ay duqeysay dagaalyahannada oo howlo caadi ah ku jiray.
Si kasta oo ay ahaataba, dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa maalmo kaddib markii uu hoggaamiyaha Xisbullah, Xasan Nasrullah u hanjabay Israa’iil.
Waxa uu sheegay in dagaalyahannadiisa ay ka aargoosan doonaan weerarrada soo noqnoqda ee Israa’iil ay kula beegsatay gudaha Suuriya.
Waxa uu intaa ku daray in ay diyaariyeen hubkii ay duulaankaas ku fulin lahaayeen, oo ay ka mid yihiin gantaallo gaadhi kara qeyb kasta oo ka mid ah Israa’iil.
Israa’iil iyo Xisbullah ayaa labaduba u muuqda in aanay dooneyn dagaal kale, balse hab dhaqankooda ayaa muujinaya in dagaal uu lama huraan yahay.



  Contact@afkashacabka.com