Dugsiga Dadka Dhegoolayaasha ah ee Magaalada Burco oo noqday Dugsi ku suntan Badhasabkii Hore ee Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir

0
Saturday March 22, 2014 - 11:57:38 in by Super Admin
  • Visits: 1935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsiga Dadka Dhegoolayaasha ah ee Magaalada Burco oo noqday Dugsi ku suntan Badhasabkii Hore ee Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir

    Dugsigan ayaa ka mid noqday Waxyaabaha sida gaarka ugu suntamay Taariikhda iyo waxqabadka Badhasab Abdo Ayir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dugsigan ayaa ka mid noqday Waxyaabaha sida gaarka ugu suntamay Taariikhda iyo waxqabadka Badhasab Abdo Ayir

Dugsiga Dhegoolayaasha Magaalada Burco Oo Lagu Magacaabo Cabdoo Aayir School For The Deaf  Ayaa  Dhawaan Uu Xadhiga Ja Jaray  Madaxweynaha Somaliland Islamarkaana  Loogu Magac Daray Gudoomiyihii Hirgeliyey ee Cabdoo  Axmed Aayir 

Dhawaan wuxuu Madaxweynaha  Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo   Xadhiga ka jaray  Dugsi  loo dhisay Dhegoolayaasha Gobolka Togdheer , kaasi oo dhismihiisu socday mudo badan  islamarkaana  uu hir gelintiisa lahaa Gudoomiyihii  hore ee Gobolka Togdheer  Cabdoo Axmed Aayir, Waxaana Dugsigan Cusub Loogu Magac daray Cabdoo Aayir School For The Deaf.

Wakhtigii uu Cabdoo Aayir hayey xilka Gudoomiy Gobolka aha  Gobolak Togdheer  ayey maalin maalamaha kamida  Xafiiska ugu Yimaadeen  Ardayda Dhegoolayaasha Magaalada Burco kuwaas oo ka cabanaayey Baahiyo ay ka mid ahaayeen Darxumo, how la,aan iyo inaanay haysan goob ay wax ku bartaan  Gudoomiyaha oo cabaar dhegaystay  ayaa markii  soo dhaweeyey  islamarkaana sheegay inuu wax la qabanaayo, waxaana gudoomiye cadboo aayir uu booqasho ku tegay  goobtii ay wax ku baranaayeen  xiligaa  waxaana uu ka argagaxay  meesha ay wax ku baranaayeen oo aad u dayacnayd.

Cadboo aayir gudoomiyihii hore ee gobolka togdheer  hadana ah  gudoomiyaha gobolka awdal  ayaa si mug leh uga hawl galay sidii ay nolol fiican iyo waxbarasho tayeysan u heli lahaayeen  Dhegoolayaasha  Burco  ayna ka baxaan dhibaatada iyo Duruufta adag  ee  haysata  wuxuuna ku dhawaaqay   Gudi una xilsaaray inay inay ka hawlgalaan sidii loo hirgelin lahaa Dugsi  u gaara  oo Casriyeysan Dhegoolayaasha  si ay ula jaan qaadaan jiilkooda dhegaha qaba ee hela waxbarashada iyo nolosha fiican Dedaal dheer iyo juhdi  ka dib waxaa si rasmiya u dhismay  Dhisme Cusub oo ah Iskuul Casriyeysan aadna loo qalabeeyey  kaasi oo ay nasiib u yeesheen Dhegoolayaashu Markii ugu horaysay.

Dhismahan Cusub waxaa nasiib u yeeshay inuu xadhiga ka jaro Madaxweynaha Somaliland  Axmed Siilaanyo  taasoo farxad gaara u ahayd Caruurta dhegoolayaasha  inuu   kusoo booqdo  bogcadoodii Xadhigana uga jaro Dhismaha Cusub ee loogu Magac daray  Gudoomiyihii  Hirgeliyey laguna magacaabo  Cabdoo Aayir School For The Deaf.

Qaar kamida Ardayda Dhegoolayaasha oo ay wehelinayaan Maamulka iyo Macalimiintooda oo la weydiiyey Sababta ay u jeclaadeen in Magacan loo bixiyo  ayaa si aan gabasho lahayn oo dareen cilmiyeysan  ku dheehan tahay  ku sheegay   in Cabdoo Aayir la,aantii aanu  marnaba suuragaleen Dugsigooda  Cabdoo Aayir School For The Deaf  una mahad celiyey  Cabdoo aayir oo ay ku sifeeyeen shikhsi karti, Dadnimo,Daacadnimo iyo dadjeceyl ku  suntan  aanay  cimrigood ilaaawayn, Gudigii loo xilsaaray dhismaha  Dugsigan Cabdoo Aayir School For The Deaf oo iyaguna qeyb laxaadle ka qaatay  hirgelinta iskuulkan ayaa  Cabdoo aayir uga mahad celiyey Waxqabadkiisii wanaagsanaa iyo sida uu ugu samo falay Caruurtan dulmanayd ee ay haysatay Darxumadu isaga la,aantiina aanay waxba u suura galeen waxaana ay usoo jeediiyeen mahad iyo amaan aad  u balaadhan.

Iskuulkan Cabdoo Aayir School For The Deaf  ee ay wax ku baran doonaan Dhegoolayaashu  ayaa wax weyn ka tari doona tayada waxbarasho ee dhegoolayaasha , waana markii ugu horaysay taariikhda  magaalada burco laga higeliso  Dugsi waxbarasho  oo ay  yeeshaan Dhegoolayaashu Waana mid Taariikhda u galay u galay Cabdoo aayir, waxaana uu ka mid yahay  Waxqabadka sida weyn loogu xasuusan doono.


Afkashacabka.com

Burco  /Office

 

Contact@afkashacabka.com