Khilaafkii Gudida Cadaalda Oo Wali Taagan iyo Laba Garsoore Oo La Eryay

0
Saturday March 22, 2014 - 12:37:27 in by Super Admin
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafkii Gudida Cadaalda Oo Wali Taagan iyo Laba Garsoore Oo La Eryay

    Guddida Cadaaladda Heer Qaran ee Somaliland ayaa doraad Eriday laba Garsoore oo ka hawl-gali jiray maxkamadaha Hoose ee hargeysa ee rafcaanka iyo Degmadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Cadaaladda Heer Qaran ee Somaliland ayaa doraad Eriday laba Garsoore oo ka hawl-gali jiray maxkamadaha Hoose ee hargeysa ee rafcaanka iyo Degmadda. Guddida Cadaaladda Heer Qaran ee Somaliland ayaa doraad Eriday laba Garsoore oo ka hawl-gali jiray maxkamadaha Hoose ee hargeysa ee rafcaanka iyo Degmadda.

Guddida Cadaaladda Heer Qaran ee Somaliland ayaa doraad Eriday laba Garsoore oo ka hawl-gali jiray maxkamadaha Hoose ee hargeysa ee rafcaanka iyo Degmadda.

Labada Garsoore ee ay Eryeen guddida cadaaladda waxay kala yihiin Garsoore Axmed Muuse Qaadi oo ka hawl geli jiray Rafcaanka iyo Aadan Macallin oo ahaa Garsoore Maxkamadda Degmadda ah.

Labadan Garsoore ayaa ka mid ahaa afar Garsoore oo in muddo ah Dacwadoodu hor taalay Guddida Cadaaladda balse in badan loo baajiyey sababo aan la garanayn, iyadoo lagu soo eedeeyey arrimo kala duwan isla markaana waxa lagu qaaday Xeerka nidaamiyaha Anshaxa iyo Anshax marinta Garsoorka, kaasoo dhawaan la Ansixiyey isla marakaana noqonaya markii ugu horaysay ee lagu dhaqan galiyo garsoorayaal.

Dhinaca kale, Guddida Cadaaladda ayaa khilaaf culusi dhexdooda ka qarxay maalmihii ugu danbeeyey kadib markii shir ay qaar ka mid ah Guddida Cadaaladda iyo Garsoorayaasha Maxkamadaha Hoose uu joojiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil, kaasoo ku dooday in aanay qaban Karin shir aanu Guddoominayn.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xubnaha Guddida cadaaladda iyo Garsoorayaasha midkoodna, hase yeeshee wararka aanu ka helayno waxay sheegayaan in xubnaha Guddida Cadaaladdu Dacwad lidi ku ah Guddoomiyahooda ay ka gudbiyeen, isla marakaana ay jawaab ka sugayaan xukuumadda.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com