
Wejigii Labad ee Dhismaha Maktabada Qaranka oo maanta la bilaabay iyo wasiiro ka warramay halka uu marayo dhismuhu.
Waxaa maanta si rasmi Magaalada Hargaysa looga bilaabay Wajigii Labaad ee uu yeelanayey Dhismaha Maktabda Qaranka oo uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan Dhagax dhigay.
Librarygan qaran ayaa waxaa iska kaashanaayeen Ururka Samatalis ,Wasaarada Qorshaynta Qaran,iyo Wasaarada Waxbarashada Jamhuuriyda Somaliland.
Munaasibadan kooban oo lagu shaacinaayey in la dhamaystiray qayb dayra oo uu yeelano Maktabada Qaranku ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaradaha waxbarashada,qorshaynta qaranka agaasimah a guud ee wasaarada isgaadhsiinta,iyo sida ooo kale masuuliyiin ka socotay ururka sama talis.
Waxaana ugu horayn halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey masuul ku hadlaayey afka ururka sam-talis waxaan uu ka warbixiyey mar xaldihii kala wanaa ee ay soo mareen waxaan uu si gaara ugu mahad celiyey dhamaanba cidii ka soo qayb qaadatay taburacaadka lagu dhisaayo dhismaha libraryga.
Agaasimaha Guud ee wasaarada isgaadhsiinta somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin maadaama ay ka wasaarad ahaan ay bixiyeen dhulka dhisaayo
Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Umad waxaa lagu qiimeeyaa oo lagu qadariyaa inta aqoonteedu leedahay iyo sida ay aqoontu ay u qiimeeyaan,wax yaabaha lagu qiyaaso heerka ay umadi aqoon ka taagan tahayna wax yaabaha lagu qiyaaso maktabadaha ayaa kamida,waa nasiib daro in ilaa iyo maanta 2014-ka ay naan lahayn maktabada qaran,kana waa nasiib wanaag in maanta ilaahay inagu Il haamiyey,doraad waxaa ay iska ahayd hami maanta se waa taa dhismaha intiisii hore la dhagax dhigay,hawsha laakiin inteeda badan waa ay noo hadhay hawsha inoo talaaana waa hawl qaran muwaadin markaa waxaanu kaa codsanaynaa inaad hawshaa qaran aad gudo iyo dibadba halkaad joogto aad hawshaa qaran ka qayb qaadato…”.
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com
Wejigii Labad ee Dhismaha Maktabada Qaranka oo maanta la bilaabay iyo wasiiro ka warramay halka uu marayo dhismuhu.
Waxaa maanta si rasmi Magaalada Hargaysa looga bilaabay Wajigii Labaad ee uu yeelanayey Dhismaha Maktabda Qaranka oo uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan Dhagax dhigay.