10Qodob Oo ay Ka Xishoonjireen Hablihii Hore ,Oo ay Manta Hablahanjooga Faan ,iyo Fariidnimo Uhaystaan By Mukhtaar Nadaara

0
Monday February 02, 2015 - 08:37:15 in by
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10Qodob Oo ay Ka Xishoonjireen Hablihii Hore ,Oo ay Manta Hablahanjooga Faan ,iyo Fariidnimo Uhaystaan By Mukhtaar Nadaara

    Waxaa Mahadnaq-Iyo ugaaryeelid mudan Eebeheen ,sareeye,ee inoo suurta geliyaay inaan Awood ,Karti,Wakhti u helno Qoraalkan, oo hadaan alle saamixin,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Mahadnaq-Iyo ugaaryeelid mudan Eebeheen ,sareeye,ee inoo suurta geliyaay inaan Awood ,Karti,Wakhti u helno Qoraalkan, oo hadaan alle saamixin, Inana siin Caqli,garsheed aynaan waxba Qori karneen,waxa Akhriyikarneen,Marlabaadkana waxaa ,Aaman ,Mudan-Warbaahinta , Akhristayaasha ,Gaar ahaan Kuwa Qaderiya ,Maamusa,Ildheer ule Qaraaladaydan Taxanahaa.

Intaa ka dib waxaan idinka codsanayaa in bal qof walba isku dayo inuu ii soo sheego waxa uu qoraalkan ka fahmay ,siday ula eekaatay qoraalkan fahankiisu?waxaad ku dari lahayd ,waxaad ku kordhinlahayd ? waxaad ka nusqaaminlahayd? Iyo siday guud ahaan kula tahay iyo waxaaad Talo ,Turxaan Tibaax Taakulayn aad ka gaysankarto ,waanad mahadsantihiin.

Bulshayahay ,waxaad ogaanaysaa markasta oo aad waxa baadho,waxyaalo badan ,oo aad is leedahay ,waxay ku haboonyihiin in laga hadlo oo laga baraarujiyo,bulshada si ay uga Digtoonadaan,si ay uga fiirsadaan si ay  u xisaabiyaan Naftoodda ,Dhaqankoodaa ,Akhlaaqdooda ,Maamuuskooda ,Miisaankooda ,Cisigoodda ,Sharaftoodda iwm.

Intaa ka dib waxaan Manta Qalinka U yar Holanayaa inaan  Ka yar hadlo Mawduuc aan malahii is idhi waa waxayaalaha iigu saamaynta Badan Beryihii U danbeeyaay ,Hadii uu yahay Qalbigaygga ,Qalbigga Asxaabtaydda ,Asxaab Markaan leeyahay waxaan Ujeedaa intaanu ka wadda tashano Wixii U danna Bulshadda ,Dalkayagga ,Dadkayagga ,Diintayadda taas ayaa lagu tilmaamikaraa Asxaabta Dhabtaa .

Yanaan Ku dheeraane Aan u soo Noqdo mawuuceeniiye Horta aan yar Afeeftee Mawduucan aan ka hadlaayo dhamaan may wadda samayn Hablahan imika jooga laakiin waa qaar ka mida uun aniguna waxaan uga jeedaa Nasteex ahaan ,iyo Talo Walaaltinimo iyo sidaan u doonayo inay Hablahyagu  U Hagaan waayo Waa Hooyaday oo kale ,Waa Walaahay Oo Kale ,Waa Gabadhayda oo kale markaas waxaan jeclaystay inaan soo yar bandhigo Dhaqamo ay ka xishoonjireen Hablihii hore oo imika aad moodo inay ku faanaan Hablaheenani.

Manta ma wadda dhamaystiri karno laan Qaar ka mida ayaaynu soo qaadandoonaa iinsha-allah.

Markaad suuqa u baxdo markaad dhex-qaato Suuq waynaha malaha Layaab kuguma aha Inaad aragto waxa kaa yaabiya ,waxa aad la fajacdo laakiin inta ugu badan ee aniga iga yaabisay maskax ahaan waxaa ka midaa dhaqmadan oo runtii annan Jeclaysan Inaan ku arko Hablaheenna laakin ay sabaab u tahay Casrigan cusub waxaana ka midaa Dhaqamadda:

(1) Inaan/Gashaanti:Suuqa Ku Dhex Calaajanaysa (Xanjo) oo ka Daranta Waabay Buuf –Buufinaysaa.

(2) Inaan/Gashaanti:Suuqa Ka dhex Qoslaysa Qosol Gaws- Ka Qosola lamina Diidna ileen waa Iinsaane Qosol Dhool Cadaysa.

(3) Inaan/Gashaanti:Suuqa Maraysa Oo Telephone ku Hadlaysa Oo Codkeedda Laga Maqlaayo,hadda ma lihii ha hadlin lkn u fiirsadda Qaabkii ay u hadlijireen Hablihii Hore ,Halka manta ragu Hoos u Hadlo ,hadad been iga moodaysaan Tagga Goobaha Bulshadu isugu timaado.

(5)Xishoodkii oo aad Moodo inuu ka sii baxaayo Daaqadda.

(6) Inaan/Gashaanti:Oo Suuqa maraysa Oo bedelaysa Socodkeedii ilaahay U  abuuray waxyaalahay isu yeelanna waxaa ka Mida(Qalaafo) Anigu waxa lagu Falo Garanmaayee.

Qoraalkaa dheere Manta intaa ayaan ku joojinayaa Haygana Moodina Fadeexad Ee waa igga waano ,Ogaysiis ,Dareensiin,Tusaalayn ,mrkaa  Xumaan yaan Loo Qaadan.




Lasoco –Qaybta 2aad:

Qoraa:Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Mobil:0634431347

Burao/Somaliland

Email:Mukhtaar _1991@hotmail.com