Qasnajigii Hore ee Maamulka Degmada Afgooye Oo La Dilay

0
Monday February 09, 2015 - 11:36:43 in by Burco Office
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qasnajigii Hore ee Maamulka Degmada Afgooye Oo La Dilay

    Rag Bistoolado ku hubeysnaa ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Afgooye ku dileen Qasnajigii hore ee maamulka degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rag Bistoolado ku hubeysnaa ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay degmada Afgooye ku dileen Qasnajigii hore ee maamulka degmadaasi.


Mas’uulka la dilay oo lagu magacaabayay Cabdullaahi Xasan Farey ayaa markii la dilayay waxa uu ku suganaa goob laga cunteeyo oo degmadaasi ku taallay, waxaana dilka ka dib halkaasi isaga baxsaday ragii falkaan ka dambeeyay.

Wariyaha Goobjoog Fm ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in ciidamada amaanka oo halkaasi gaaray ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii falkaasi ka dambeeyay, inkastoo aanay jirin dad ay soo qabteen.

Dilalka loo geysanayo dadka la shaqeeya maamulka degmada Afgooye ayaa halkaasi kusoo badanaya, waxaana horay sidaan oo kale loogu dilay degmada askar iyo xubno ka mid ah dadka canshuurta qaada.

conatct@afkashacabka.com