Magaalada Baydhabo oo Qarka uu Saaran.......

0
Wednesday March 26, 2014 - 15:28:41 in by Holland Office
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Baydhabo oo Qarka uu Saaran.......

    Xaalad kacsanaan ah iyo xiisado siyaasadeed Ayaa wali ka jira magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo maalintii saddexaad ay ka dhaceen banaan bax rabshado wata oo Looga soo horjeedo Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad kacsanaan ah iyo xiisado siyaasadeed Ayaa wali ka jira magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo maalintii saddexaad ay ka dhaceen banaan bax rabshado wata oo Looga soo horjeedo Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gadhayaa Magalaada Baydhabo Banaanbixii  Maanta Ka dhacay ayaa waxa ku dhaawacmay Wiil 16 -jir ahaa oo ka mid  ahaa dadkii dibad baxa ka qeyb qaadanayay, iyadoo midden ka midden ah ilaalada guri ay xoog ku galeen dibad baxayaashu rasaas lagu kala eryay uu ku dhaawacmay wiilkaas. Dhaawaca wiilka dhalinyarada Ayaa la dhigay Cisbitaalka magaalada Baydhabo, iyadoo xaaladiisa ay aad uu liidato , sida ay sheegeen ehelada wiilka dhawaca soo gadhay . Wararka qaar Ayaa sheegaya in dibad baxayaasha ay galeen guri uu degenaa siyaasi ka mid ahaa Ururkii RRA-da oo ay uga shakiyeen inuu ku jiro Shariif Xasan, waxaana ka sokow dibad baxyadan ka socda magaalada kulamo siyaasadeedyo iska soo horjeeda. Kulamadan Ayaa waxaa leh dhinacyada iska soo horjeeda ee Wada maamulada lixda gobol iyo saddexda gobol, waxaana laga cabsi qabaa iska hor imaadyo dhex mara Labada dhinac ee xiisadaha siyaasadeed ka dhex taagan. Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambesador Nicholas Kay Ayaa Ugu baaqay dhinacyada xiisada u dhaxeysa in khilaafkooda Wada hadal ku dhameeyaan, isagoo ka digay Falal khal khal ku ah amniga inay dhacaan. Xubnaha uu horkacayo Shariif Xasan oo ay amaankooda la wareegeen Ciidamada AMISOM Ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda inay dhisaan Maamul goboleedka saddexda gobol, kaasoo Lidi ku ah Maamulka lixda Gobol ee todobaadyo ka hor Looga dhawaaqay Baydhabo. Dadka odorasa arrimaha siyaasada Soomaaliya Ayaa sheegaya in xiisadaha ka taagan Baydhabo ay Keeni karaan Isku dhacyo dhiig ku Daata oo la mid ah kii ka dhacay Kismaayo sanadkii Hore, MarkII dhinacyo Isku hayay maamulka magaalada uu dagaal dhex Maray , Wixii war ah ee ka soo kordha  Xalada Magalada baydho waanu idin soo gudbini doonaa hadii alle raali ka noqdo .

Afkashacabka.com