Ururka Jaamacada Carabta Oo Si Weyn Isugu Khilaafsan Xaladaha Ku Gadaaman Masar

0
Wednesday March 26, 2014 - 22:02:57 in by salman abdi
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Jaamacada Carabta Oo Si Weyn Isugu Khilaafsan Xaladaha Ku Gadaaman Masar

    Shirweynaha 25aad ee ururka Jaamacada Carabta ayaa La Filayaa in maanta lagu soo gaba-gaabeyo magaalada Kuwait oo ay hada ku sugan yihiin inta badan hogaamiyayaasha wadamada Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirweynaha 25aad ee ururka Jaamacada Carabta ayaa La Filayaa in maanta lagu soo gaba-gaabeyo magaalada Kuwait oo ay hada ku sugan yihiin inta badan hogaamiyayaasha wadamada Carabta.



Walaw aan weli la shaacin Baaqa shirweynahan sanadkan ka soo baxaya ayaa hadana waxaa muuqda in uu weli jiro khilaaf xoogan oo ku aadan xiisadaha ka jira dalalka Suuriya iyo Masar.

 

 

Shirweynahan ayaa ah kii ugu horeeyey ee uu ka soo qayb galo hogaamiyaha KMG ee maamulka Masar Cadli Mansuur. Waxayna dowlada Masar balanqaaday in shirweynaha 26aad lagu qaban doono dalkeeda, walaw si weyn weli la isugu khilaafsan yahay Afgembigii militariga dalkaasi ka sameeyey.

 

Qaar kamid ah hogaamiyayaasha Carabta ayaa khudbadahooda laga dareemeyey sida ay u kala aragti duwan yihiin.




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com