Beeralayda Borama Oo AYAX Awood Leh Ku Habsaday Kula Dagaalamay Qiiq Iyo Daasado Ay Tumaan

0
Wednesday March 26, 2014 - 22:07:14 in by salman abdi
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beeralayda Borama Oo AYAX Awood Leh Ku Habsaday Kula Dagaalamay Qiiq Iyo Daasado Ay Tumaan

    Beeralayda gobolka Awdal, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Borama iyo Baki ayaa dhibaato xoog leh ku qaba AYAX faro badan oo ku habsaday deegaankaasi, kaasi oo kaga soo guurey xeebta gobolka Awdal oo uu hore ugu habsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beeralayda gobolka Awdal, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Borama iyo Baki ayaa dhibaato xoog leh ku qaba AYAX faro badan oo ku habsaday deegaankaasi, kaasi oo kaga soo guurey xeebta gobolka Awdal oo uu hore ugu habsaday.


Ayaxan oo durba koron-kor ku dilaaciyey deegaanada uu ku habsaday, ayaa dadka beeralayda ahi waxay miciinsadaan inay beeraha dhexdooda ka Garaacaan Daasado isla-markaana Qiiq shidaan, si bay yidhaahdeen uu uga duulo.

Xirfaddan oo ay ku sheegeen inay tahay ta kaliya ee ay kula dagaalamayaan, maadaama oo wasaaradda beeruhu awood u weyday inay buufiso Ayaxan "Daasadaha ayaanu garaacnaa, waayo wuxuu neceb yahay jabaqda, markaasuu ka kacaa (beeraha uu ku habsaday) qiiqna waanu ku shidnaa” sidaa waxa yidhi, Mid ka mid ah beeralayda degmada Borama ku dhow oo maanta saxaafadda uga waramayey dhibaatada Ayaxan oo aad u badani ku hayo deegaanka.

Ayaxan, ayaa sidoo kale waxa qayl-dhaan ka diray Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdoo Axmed Aayir, waxaanu yidhi "Waxaan doonayaa inaan baaq u diro Jamhuuriyadda Somaliland, gobolkan waxa ku habsaday AYAX faro badan, koron-kortiisiina way dilaacday, iyada oo la galay gu’gii, markii hore Ayaxu wuxuu ku koobnaa xeebta, laakiin imika oogada ayuu u soo wareegay, waxaanu ku habsaday Borama iyo Baki iyo guud ahaan deeganadooda, waxaanad mooddaa inuu ku sii jeedo Kililka shanaad”


Guddoomiye Aayar, waxa kale oo uu sheegay "Wasaaradda beeraha waxaan leeyahay Ayaxaasi wixii dalag ahaa ee soo baxay, meesha uu fadhiistana Koron-kortiisa ayuu ku dilaacinayaa, markaa sidii looga hor-tagi karaba wasaaradda beeraha iyo hay’adda NERAD deg-deg ha noogu soo gurmadaan..


Afkashacabka.com

Borama /Office

Contact@afkashacabka.com