Xildhibaano Dhaawac ka Soo Gaadhay Hawl-gal Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Doonayey Inuu Ku Qorsheeyo Dhul Aymaamusho Degmada . Sallexley

0
Wednesday March 26, 2014 - 22:18:41 in by salman abdi
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano Dhaawac ka Soo Gaadhay Hawl-gal Maayar Ku Xigeenka Hargeysa Doonayey Inuu Ku Qorsheeyo Dhul Aymaamusho Degmada . Sallexley

    Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Degmada Sallexley ayaa dhaawacyo kala gedisan ka soo gaadheen shaqaaqo dhex martay xildhibaano ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa, kuwaasi oo la sheegay inuu la socday Maayar ku xigeenka Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno ka tirsan Golaha deegaanka Degmada Sallexley ayaa dhaawacyo kala gedisan ka soo gaadheen shaqaaqo dhex martay xildhibaano ka mid ah Golaha deegaanka Hargeysa, kuwaasi oo la sheegay inuu la socday Maayar ku xigeenka Hargeysa.


Shaqaaqadan ayaa la sheegay inay ka dhalatay dhul ku yaala Waaxda Qalax ee degmada Sallexley oo xildhibaanada Golaha deegaanka Hargeysa doonayeen inay qorsheeyaan, hasa-yeeshee dhulkaasi oo la sheegay inuu hoos tago Degmada Sallexley ayaa waxa ka hor yimid golaha deegaanka Sallexley, taasi oo sababtay dhaawaca xildhibaanada qaarkood, sida uu sheegayo Maayarka Degmada Sallaxley Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine) oo saxaafadda la hadlay.

"Tobankii iyo badhkii subax-nimo ayaa waxaa deegaanka tirsan Qalax soo gaadhay xubno Golaha deegaanka Hargeysa ah ,waxaana uu falkani dhaawacyada iyo khasaaraha kale keenay salka ku hayaa dhul ay Dawladda hoose ee degmada Salaxlley maamusho ayay doonayaan inay maamulka dawladda hoose ee Hargeysa Qorsheeyaan taasi ayuu ka dhashay khasaarahan dhaawaca keenay.

Maayarka Sallaxley, waxa uu sheegay in xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa uu hogaaminayey Maayar xigeenka Cabdicasiis Cagawayne isla-markaana ay wehelinayeen dad gaadhaya Boqol qof oo u badan Shaqaalaha Dawladda hoose iyo Cagaf-yada dhulka lagu qorshanayay "Waxaa horkacayay Maayar ku xigeenka golaha deegaanka Hargeysa Cabdicasiis caga-wayne, oo wata Xildhibaano golaha deegaanka Hargeysa ah iyo ku dhawaad boqol qof oo shaqaalaha Dawladda hoose ee Hargeysa ah iyo Dad Shicib ah oo la soo abaabaulay”

Duqa Sallexley, waxa uu sheegay in xildhibaano badan dhaawacmeen ka dib markii la is af-dhaafay ee uu rasaas xildhibaanada ku riday Guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe "Xildhibaan Maxamuud Bedel Guuleed oo ka mid ah Xildhibaanada Sallaxley ayaa ugu dhaawac culus, waxaana Xabadda dhaawacday oo wejig kaga dhacday gacantiisa ku riday Gudoomiyaha degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa Mawliid Qaro”


Xildhibaan Maxamuud Bedel Guuleed, oo ah Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo hawlaha Guud ee Golaha deegaanka Sallaxley, oo ah xildhibaanka dhaawacmay ayaa isaguna yidhi "Iyaga oo cagaf wata ayay degmada Toon weerar ku soo qaadeen, dawladdana waanu gaadhsiinay, sida Taliska Booliska, haddana shalay ayay weerar rogaal celin ah soo sameeyeen, guri dawladda hoose lahayd oo cashuuraha ah oo ku yaala waaxda Qalax ayaan u imid oo dhacay (Dumay) oo Guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe uu ka dul qudbadaynayo, markaasaa gaadhigii aan watay la toogtay, dhaawaca i soo gaadhayna waa falidh rasaaseed, Maayar ku xigeenkuna wuxuu indhihiisa ku arkayey iyada oo saddex baabuur la igu eryanayo…”




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com