Wasiirka Madaxtooyada oo xadhiga ka jaray Guryo Hay'adda NRC ka dhistay Kaamka Cali Xuseen iyo weedhii wasiirka

0
Saturday March 29, 2014 - 11:15:26 in by Super Admin
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada oo xadhiga ka jaray Guryo Hay'adda NRC ka dhistay Kaamka Cali Xuseen iyo weedhii wasiirka

    "Waxaa run ah in horumarku maalin iyo habeen ku iman, balse waxaa muhiim ah in aynu leenahay niyad dhisan, samir badan iyo qalbi hiigsanaya hammi sare.." ayu yidhi Wasiirku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa run ah in horumarku maalin iyo habeen ku iman, balse waxaa muhiim ah in aynu leenahay niyad dhisan, samir badan iyo qalbi hiigsanaya hammi sare.." ayu yidhi Wasiirku

Munaasibad loo qabtay furitaanka dhismayaashan ayaa waxa ka qayb-galay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka dib-u-dejinta, Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo furitaanka 75-ka guri ee danyarta loo dhisay ka dib, halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismayaashan loo hirgaliyey danyarta reer Burco "Waa talaabo ka mid talaabooyinka la rabo in Horumarka lagu wada gaadhsiiyo Bulshada qaybaheeda kala duwan” ayuu yidhi, wasiirka Madaxtooyada Somaliland, sida uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook iyo Bloggiisa gaarka ah ee Guusha.com, waxaanu yidhi: 

  "Saaka oo jimce ah (shalay) waxaan ka qaybgalay munaasabad ay soo agaasimeen Wasaaradda dib-u-dejinta oo kaashanaysaa hay’adda NRC, muhiimadeeduna ahayd in lagu wareejiyo dad danyar ah guryo tiro badan oo loo dhisay.  Waxay ahayd madal aan la soo farxad iyo dareen qaybsanay dadkii calaf iyo sad u helay in ay guryahaas helaan,  Tirada guryaha aan xadhiga ka jarnay ayaa dhammaa 75 guri oo wax wayn ka tari doonaa baahida hoy la’aanta ah ee haysatay.

Talaabadani waxay ka mid tahay talaabooyinka kala duwan ee looga dan leeyahay in horumarku wada gaadho dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan. U naxariisashada bulshadeena qaybaheeda jilicsadasan waa waajib diini ah oo dhamaanteen ina saaran, ka dawlad ahaana waanu ku dedaalaynaa horumarintooda.

Waxaan si gaar ah uugu mahadcelinayaa hay’adda NRC oo mashruucan hirgalisay, isla-markaana gacan buuxda ka gaysatay. Waxaa hubaal ah in ay dal horumariyaan dadkiisa oo le’ qalbi fiican iyo dareen midaysan isla markaana higsanaya yool iyo ujeedo nololeed oo cad, Dhex jooga , dhiiri-galinta iyo la dareen qaybsiga bulshada qaybaheeda jilicdasan waxay maanta (shalay) ii ahayd farxad iyo qalbi qabowsi.








Afkashacabka.com

Burco  /Office

Contact@afkashacabka.com