"Argagaxisonimadu ma shaqeyn karto. Waxaan diyaarinnay qorshe cusub oo lagu wacyi-gelinayo dhallinyarada, kooxaha aan diyaarinnay waxay tegi doonaan goob walba oo cibaado sida Masaajidda iyo kaniisadaha. Umana dulqaadanayno falalka argagaxisada," Kenyatta

0
Saturday March 29, 2014 - 12:32:16 in by Super Admin
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Argagaxisonimadu ma shaqeyn karto. Waxaan diyaarinnay qorshe cusub oo lagu wacyi-gelinayo dhallinyarada, kooxaha aan diyaarinnay waxay tegi doonaan goob walba oo cibaado sida Masaajidda iyo kaniisadaha. Umana dulqaadanayno falalka argagaxisada," Kenyatta

    Uhuru Kenyatta ayaa kulankii shalay ugu yeeray Soomaalida inay argagaxisada dagaal kala hor-tagaan. Iyadoo dowladda Kenya ay tan iyo sannadkii 2011 ka cabanaysay weerarro ay Al-shabaab ka geysanaysay gudaha dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uhuru Kenyatta ayaa kulankii shalay ugu yeeray Soomaalida inay argagaxisada dagaal kala hor-tagaan. Iyadoo dowladda Kenya ay tan iyo sannadkii 2011 ka cabanaysay weerarro ay Al-shabaab ka geysanaysay gudaha dalkaas.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa kulan uu jimcihii laqaatay Soomaalida kunoo dalka Kenya ka sheegay in argagixisad ladagaalamaan ,sidoo kale waxaa uu madaxwaynyhu sheegay in aanay jirin cid lagu faquuqayo diinta ay haystaan.

"Muslimka waa udub dhexaadka xukuumadeyda. Meel sare ayay kaga jiraan,” ayuu ka yidhi Kenyatta kulan uu la qaatay xubno matalayay bulshada Soomaalida ah ee ku nool Kenya, kaasoo ka dhacay xasfiiskiisa magaalada Nairobi.


Uhuru Kenyatta ayaa kulankii shalay ugu yeeray 
Soomaalida inay argagaxisada dagaal kala hor-tagaan. Iyadoo dowladda Kenya ay tan iyo sannadkii 2011 ka cabanaysay weerarro ay Al-shabaab ka geysanaysay gudaha dalkaas.Kenyatta ayaa hadalkiisa ku daray: "Ma doonayno inaan cidna diin ku faquuqno, waxaan haysannaa xorriyad diimeed, dhammaan diimaha oo dhanna xushmad ayaan u haynaa," ayuu madaxweynuhu yidhi  warsaxaafadeed laga soo saaray aqalka madaxtooyada Kenya.

 

"Argagaxisonimadu ma shaqeyn karto. Waxaan diyaarinnay qorshe cusub oo lagu wacyi-gelinayo dhallinyarada, kooxaha aan diyaarinnay waxay tegi doonaan goob walba oo cibaado sida Masaajidda iyo kaniisadaha. Umana dulqaadanayno falalka argagaxisada,” sidaa waxaa yiri madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto.

Sidoo kale, madaxda Kenya waxay kulankii Jimihii ka sheegeen in xukuumaddoodu ay diyaarisay qorshayaal dhowr ah oo ay kaga hortagayso falalka argagaxisanimo.

Dhammaadkii kulanka ayaa ergooyinkii matalayay Soomaalida iyo xukuumadda Kenya waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro argagaxisada ku sugan gudaha dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay in ka badan 200 oo xubnood oo intooda badan ay ahaayeen ganacsatada xaafadda Islii ee Nairobi, kuwaasoo matalayay xubnaha ganacsatada ah ee xaafaddaas ee Soomaalida ah.

Xubnihii ka qaybgalay kulankaas waxaa ka mid ahaa: xildhibaan Aadan Ducaale, xildhibaan Yuusuf Xaaji, xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ah halka ay ku badan yihiin Soomaalida.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji Maxamed ayaa sheegay in Soomaalida-Kenya ay diyaar u yihiin ka qaybqaadashada dagaalka lagula jiro argagaxisada, ayna ka go’an tahay inay dalkooda ka nadiifiyaan argagaxisada. Isagoo yiri: "Shacabka Soomaaliyeed ee dhexdeenna ku nool waa inay qaadaan taallaabo walba oo suurogal ah si kooxaha argagaxisada Kenya looga adkaado.”

Ugu dambeyn, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Kenya ay amar ku bixisay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool magaalooyinka ay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, sidoo kalena ay ciidamada Kenya billaabeen inay qab-qabtaan dadka Soomaalida ah ee Nairobi ku nool

 




Contact@afkashacabka.com