Maamulka Madaarka Caasimada Hargeysa Oo Wasaaradad Deegaanka Ku Wareejiyey Shinbiro Sifo Sharci Daro Loo Dhoofinayey Oo Ay Ku Qabteen Madaarka+Daawo Sawiro

0
Monday March 16, 2015 - 21:39:21 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Madaarka Caasimada Hargeysa Oo Wasaaradad Deegaanka Ku Wareejiyey Shinbiro Sifo Sharci Daro Loo Dhoofinayey Oo Ay Ku Qabteen Madaarka+Daawo Sawiro

    Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyaga Somaliland ayaa maanta Maaamulaha Madaarka Cigaal kala wareegay laba shinbrood oo laysku dayey in madaarka laga dhoofo oo la qabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyaga Somaliland ayaa maanta Maaamulaha Madaarka Cigaal kala wareegay laba shinbrood oo laysku dayey in madaarka laga dhoofo oo la qabtay.



 

 

Munaasibad kooban oo lagula kala wareegay Shinbirahan ayaa waxa ka hadlay Maaamulaha Madaarka Cigaal Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxaanu yidhi " maanta waxanu halkan wasaarada deegaanka ku wareejinayaa laba shinbirood, oo aanu halkan madaarka ku qabanay, iyadoo laysku dayayey in sifo sharci darro ah dalka looga dhoofiyo, waanu mahad celinayaa Wasaaradda Deegaanka, oo uu inagala joogo Wasiir ku xigeenka, iyo Agaasima waaxda Duurjoogta. in halkan madaarka aanu ku qabano shinbirahani waxay ka dambaysay angoo fulinayna Digeeratii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, iyo anagoo fulinayna, Wareegtadii Wasiirka deegaaanku uu ku soo qoray in Madaaradda, Dekadaha, iyo goobaha xuduudaha Somaliland inaan duur- joogta wadankeena, laga dhoorin Karin, mabnuuca ay tahay in lala dhoofaam, anaga oo siyaasadaas fulinaya ayaanu laba maalmood ka hor halkan madaarka ku qabanay qof dhoofayey oo sitay laba shinbirood oo uu doonayey inuu dalka kala dhoofo. Dhinbiraad waanu qabanay maanta waxaanu ku wareejinay wasaaradii Qaranka ugu masuulka ahayd arrimaha deegaanka iyo duurjoogta.” Ayuu yidhi Maxamed Yuusuf.


Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyaga Somaliland Md. Axmed Maxamed Nuur (Indha-case), oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa maamulka Madaarka ku amaanay dadaalka ay muujiyeen, iyo sida ay u ilaaliyaan khayraadka iyo door-joogta dalka waxaanu yidhi " maanta waxanu la wareegaynaa wixii dalku lahaa oo amaankooda Wasaaradda Duulistu si fiican u sugtay, oo aanu uga mahad celinayno qabashada shinbirahaas quruxda badan ee aad hortiina ku arkaysaan oo la rabay in meelo kale la geeyo oo ay qabteen, aad iyo aad ayaanu ugu mahad celinaynaa, wax qabashadana waxaa keentay horumarka uu gaadhay madaarku ee uu hormoodka ka yahay wasiirku iyo dhamaan maamulkiisa hoose iyo shaqaalahiisaa hawl karka ah oo si weyn uga shaqeeyay ayaa keentay oo saamaxday in la qabto shinbirahaas maanta taasina waxay yaraynaysaa shinbirihii iyo duurjoogtii faraha badneyd ee la tahriibinayey, oo meel walba laga tahriibinayo dhamaan waxaan u sheegayaa Dekedaha iyo meelaha madaarada ah in aad iyo aad looga taxa diro in waxa dalku leeyahay iyo nimcada ILAHAY ku abuuray ee uu dal waba siiyo oo ay tahay Jamahuuriyadda Somaliland meelaha aadka ugu quruxda badan ee Xayawaanka qaaliga ah laga helo oo ay ku nool yihiin in la ilaaliyo oo shacabka iyo dawladuba ay ilaaliyaan.”


Wasiir ku xigeen Indhacase ayaa sidoo kale intaas ku daray "Maanta waxaanu joognaa madaarka oo ay iigu danbaysay xili hore, maanta waxaa iiga muuqda isbedal weyn, dalkana waxaa  laga daawadaa Madaarada, Dekedaha, Wadooyinka, sadexdaba dawladdu wax weyan ayey ka qabatay, horumarkeeda, waxaan ku soo gabogabaynayaa waxaan u mahad naqayaa Wasaaradda Duulista, mucaaridka waxaan leeyahay ILAAHAY indhihiina khayr ha tuso Security-ga waad aragtaan, madaarka quruxdiisa waad aragtaan, Wadooyinka la samaynaayo waad aragtaan, waa in aad sheegtaan wixii la qabtay wixii xuna dhaliishaan”. Ayuu yidhi Wasiir Axmed Maxmed Nuur.




Contact@afkashacabka.com