Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Cod Gacan Taag Ah Ku Meel Mariyay Ajandaha Kal-fadhiga 27 Ee Golaha

0
Monday March 16, 2015 - 21:46:35 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Cod Gacan Taag Ah Ku Meel Mariyay Ajandaha Kal-fadhiga 27 Ee Golaha

    Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Cod Gacan Taag Ah Ku Meel Mariyay Ajandaha Kal-fadhiga 27 Ee Golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Oo Cod Gacan Taag Ah Ku Meel Mariyay Ajandaha Kal-fadhiga 27 Ee Golaha

Fadhigii Maanta ee Golaha wakiilada somaliland oo uu shirguddoominayay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa golaha waxa uu Cod Gacan taag Ah ku meel Mariyay Ajandaha Kalfadhiga 27aad ee uu Golahu ku hawl galayo.

Waxa fadhigan ka soo Xaadiray 45 Mudane waxa ajandaha Kalfadhiga u codeeyay in La Ansixiyo 32 Mudane waxa diiday 11 Mudane,waxaana ka Aamusay Hal Xildhibaan Guddoomiyahuna Muucodayn Sidaasna wuu ku dhaqan Galay Ajandahaas 27.

"Ajandahu sidaas ayaa uu ku Ansaxay Waana Kii 27tanaad ee Golahu u Codeeyay Barina waa Lagudo Galayaa,Fadhiguna Sidaas ayaa uu inoogu xidhan yahay.Ayuu yidhi Ciro

Guddoomiyaha Golaha wakiilada ayaa ku dhawaaqay Natiijada Waxaana uu sheegay inuu Golahu Bari Toole gudo gali Doono Hawlahiisa shaqo.

 

Xeerarka Ajandahan ku jira ayaa waxa ay ka Kooban Yihiin Sideed Xeer kuwaas oo uu ugu Horeeyo Xeerka Duulista iyo Hawad.

1 Xeerka Duulista iyo Hawada

2 Xeerka Waxbarashada Qaranka

3 Xeerka Nidaamka Xukuumada

4 Xeer hoosaadka Golaha wakiilada

5 Xeerka Ka ganacsiga Hawlaha Bangiyada

6 Xeerka Ladagaalanka Argagixisada

7 Xeerka Doorashooyinka Golaha wakiilada

8 Xeerka Caasimada.

Sideedaas Xeer ayaa uu ka Kooban yahay Ajandaha 27 Ee Golaha wakiilada oo Maalinta bari ah si rasmi ah loo gudo gali doono xeerarka.




Contact@afkashacabka.com