Wasiirka Duulista OO Kormeer Ku Soo Maray Qaybta Labaad Ee Dhismaha Run-Wayga Garoonka Cigaal Oo Gaba Gabo Ku Dhaw+Daawo Sawirada

0
Tuesday March 17, 2015 - 23:56:19 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Duulista OO Kormeer Ku Soo Maray Qaybta Labaad Ee Dhismaha Run-Wayga Garoonka Cigaal Oo Gaba Gabo Ku Dhaw+Daawo Sawirada

    Wasiirka duulista iyo hawada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta kormeer ku soo maray Qaybta labaad ee dhismaha Run-Wayga garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka duulista iyo hawada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta kormeer ku soo maray Qaybta labaad ee dhismaha Run-Wayga garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka duulista iyo hawada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta kormeer ku soo maray Qaybta labaad ee dhismaha Run-Wayga garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Dhismaha qaybta labaad ee Run-wayga garoonka diyaaradaha ee Cigaal oo mudooyinkii u danbeeyeyba socotay ayaa waxa si rasmiya u bilaabantay samaynta lakabka labaad ee dhismaha Run-waygaasi

Lakabkan oo dhumucdiisu tahay 4CM, (DBM), oo ah lakabkii ugu dambeeyey ee daamurka ah, ayaa dhererkiisu uu dhan yahay 1250 Mitir. Lakabkan ayaa hawshiisa lagu dhamayn doonaa mudo laba todobaad ah, iyada oo wasiirka duulistuna kormeerkiisa ugu kuur galayey sida ay hawshu u socoto. mashuurcan balaadhinta Dhabada Dayuuradaha ee Madaarka Cigaal oo ay gacanta ku hayso shirkada Somaliland Hono Group ayaa si dardar leh u socda, marka la dhamaayo dhamays tirka Runwayga ayaa waxa la guddo galin doonaa balaadhinta qaybta barxadda diyaaradaha lagu parking-gareeyo iyo Taxi-way labaad oo la samayn doono.

Hawsha samaynta lakabka ugu dambeeya ee Run-wayga ayaa waxa shalay kormeer shaqo ku gaalaabixiyey Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Agaasimaha Guud Cumar-sayid Cabdilaahi Aadan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Somaliland.

Dhamayas tirka korodhsiimadani waxay ka dhigaysaa dhabaha Dayuuradaha cusub ee uu yeelan doono Garoonka Cigaal 3700 oo Mitir, kaas oo madaarka Cigaal ka dhigaysa inay ka soo dagaan dhamaan noocyada kala duwan ee Diyaaraduhu.”




Contact@afkashacabka.com