Madaxweynah Somalia iyo Wefti uu hogaaminayo oo Gaadhay Magaalada Baydhaba

0
Sunday March 30, 2014 - 17:44:20 in by Super Admin
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynah Somalia iyo Wefti uu hogaaminayo oo Gaadhay Magaalada Baydhaba

    Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay kulamokula leh Bulshada Degaankaasi ku dhaqan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay kulamokula leh Bulshada Degaankaasi ku dhaqan

Madaxweynaha oo ay Weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha Amaanka ee Xukumadiisa ayaa manta gaaray magaalada Baydhabo, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka Somalia iyo Amisom.


Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xiriira xogogaal u noqoshada Xaalada dhabta ah ee Degaankaasi ka dib muran siyaasadeed oo ka jiray Magaalada Baydhabo. Magaalada baydhabo waxaa dhawaan lagaga dhawaaqay laba maamul oo iska soo horjeeda, kuwaasi oo kala qaybiyey bulshada, kana kooban lix gobol iyo mid saddex gobol ka kooban.


Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay halkaasi Kulmo gaar gaar ah la qaadanaya dhinacyada isku haya Maamulka Goboladaasi, si loo soo afjaro xaaladaha siyaasadeed ee ka jira Goboladaasi. Amaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ay xiran yihiin Jidadka qaarkood.




Afkashacabka.com

Baydhaba /Office

Contact@afkashacabka.com