"Ancelotti ma aha qofka ugu fiican aduunka oo kaliya, waa tababarihii ugu fiicnaa ee aan abid la soo shaqeeyay" David Beckham

0
Sunday March 22, 2015 - 10:15:23 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ancelotti ma aha qofka ugu fiican aduunka oo kaliya, waa tababarihii ugu fiicnaa ee aan abid la soo shaqeeyay" David Beckham

    David Beckham Oo Amaanay Carlo Ancelotti Sheegayna Inuu Yahay Tababaraha Ugu Haboon Real Madrid...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

David Beckham Oo Amaanay Carlo Ancelotti Sheegayna Inuu Yahay Tababaraha Ugu Haboon Real Madrid...

Xidigii hore ee kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo xulka qaranka England ee David Beckham oo ku sugan dalka Spain ayaa amaanay tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti. 

Beckham ayaa aaminsan in Ancelotti uu yahay tababaraha ugu fiican ee ay Real Madrid heli karto.

Beckham ayaa la waydiiyay: Carlo Ancelotti waa qof aad si fiican u tagaano, maxaad isaga umalaynaysaa?Beckham ayaa ku jawaabay: "Anigu Carlo waan jecelahay, waa mid ka mid ah dadka ugu fiican ee aan waqti la soo qaatay, mid ka mid ah tababarayaasha isoo maamulay. Waa tababare aan hore loo arag oo u samra ciyaarta, marasktana waa guulayste”.

Beckham oo halkiisa sii wata ayaa yidhi: "Ancelotti ma aha qofka ugu fiican aduunka oo kaliya, waa tababarihii ugu fiicnaa ee aan abid la soo shaqeeyay. Guulaha uu haddaba la gaadhay Real Madrid waa kuwo aan caadi ahayn layaabna malaha. Anigu Ancelotti waxaan u arkaa shaqsi iyo tababare. Shaqsi ahaan ma heli kartid qof ka fiican tababare ahaana wa la mid. Waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican”.

Miyaad Filaysaa in Ancelotti uu yahay ninka ku haboon shaqada Real Madrid?

Beckham ayaa markale ku jawaabay: "Aniga ahaan haa,Sababtoo ah wuxuu yaqaanaa sida ciyaartoyda loo ixtiraamo iyo waliba sida ciyaartoyda looga soo saaro qaabka ugu fiican, ciyaartoyduna isaga way ixtiraamaan sida qofkasta oo aduunka kubbada cagta ahiba u ixtiraamo. Aniga ahaan Ancelotti waa ninka ku haboon Madrid”.