Guddi Cusub oo loo sameeyey Waddada Isku xidhi doonta Oodweyne, Burco iyo Hargeysa iyo Madal lagu shaaciyey Guddidaas iyo Akoono Cusub+SAWIRO

0
Monday March 31, 2014 - 09:31:41 in by Super Admin
  • Visits: 1644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddi Cusub oo loo sameeyey Waddada Isku xidhi doonta Oodweyne, Burco iyo Hargeysa iyo Madal lagu shaaciyey Guddidaas iyo Akoono Cusub+SAWIRO

    Guddi Cusub oo loo sameeyey Waddada Isku xidhi doonta Oodweyne, Burco iyo Hargeysa iyo Madal lagu shaaciyey Guddidaas iyo Akoono Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddi Cusub oo loo sameeyey Waddada Isku xidhi doonta Oodweyne, Burco iyo Hargeysa iyo Madal lagu shaaciyey Guddidaas iyo Akoono Cusub
Munaasibad Balaadhan Oo Lagaga Hadlaayey Ka Qayb Qaadashada Dhismaha Wadada Isku Xidhi Doonta Gobolada Togdheer,Daadmadheedh,Iyo Maroodijeex Ayaa Lagu Qabtay Hotel Golis Ee Magaalada Burco Waxaana Munaasibadaasi Lagu Soo Bandhigaayey Gudi Cusub Oo Loo Sameeyey Dhismaha Wadadaasi Iyo Ka Qayb Qaadashada Dhismaha Wadadaasi.
 
 
 

 
 Xaflad Ballaadhan Oo Loo Sameyay Shaacinta Gudinta Gacanta ku Hayn-Doonta Dhismaha iyo Hirgalinta Wadadaasi ayaa Waxa Goob-Joog ka ahaa Gudidaasi Loo Xilsaray Wadadaasi, Saladiin, Cuqaal,Maayirkii Hore Degmada Burco,Aqoon-Yahano,Haween iyo Marti Sharaf Kale Duwan
 

 
 
 
Ugu Horaynba Waxa Munaasibadaasi ka hadlay shiine Maxamed Aden Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Halka Marayso Dhismaha Wadadaasi iyo Waliba Gudiga Loo Magacabay Dhismaha iyo Hirgalinta Wadadaasi.Waa Kuwan Magacyada Gudiga Loo Magacabay Wadadaasi.
 
Cawil Yuusuf Dhiif (Gudoomiye)
Jamac Sidiiq Cali  (Xisabiye)
Cabdicasiis Maxamed Ducaale (Khasnaji)
Maxamed Aaden Faarax (Xubin)
Xildhibaan Maxamuud Ahmed Xasan (Xubin)
Cawi Xaaji Aden (Xubin)
Siciid Ahmed Qulumbe (Xubin)
Nuux Cabdi Cade (Xubin) 
Xirsi Maxamed Cilmi (Xubin 
Ahmed Qorane Jaamac (Xubin)
Aamina Mahdi Xasan (Xubin)
Faysa Qaybdiid   (Xubin)
 
 
Caaqil Cabdi Cali Oo ka Mid ah Cuqaasha Gobalka Togdheer Oo isaguna Halkaasi ka Hadlay Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Sida Loogu Baahan yahay in la Hirgaliyo Dhismaha Wadadaasi Oo Uu Shegay inay Tahay Waddo ka Dhaxaysa Dhamaanba Bulshada Reer Somaliland, waxanu yidhi "Waxaan Soo Dhawaynaynaa Cuqaal ahaan Fikir Kasta Oo ah in la Dhiso Amaba Wax Lagaga Qabto Dhismaha Wadooyinka,Runtii Somalidu Waxay ku Maahmahdaa Ceelna Uma Qodno Cidina Uma Maqno, Wado Kasta Oo Gudaha Somaliland ka Socota Mid Kastaba Reer ayaa Wada Dhismaheeda,Waxa Naynooga Baahan inaynu ka Qayb-Qaadano Dhismaha Wadada Oodweyne Oo aynu Hiil iyo Hooba la Barbar istaagno,Maaha Oo Kaliya inaynu Nidhaahno Wadadii Xagay Maraysaa Lakiin Waa inaynu ka Tashanaa Sidii aynu Uga Qayb-Qaadan lahayn Dhismaha Wadada" Ayuu Yidhi Caaqil Cabdi Cali 
 
Caaqil Baashe C/Laahi ibraahin Oo isaguna Xafladaasi Baladhan ka Hadlay ayaa ku Dheraday Qiimaha iyo Waliba Muhiimada ay Wadadani u Leedahay isu Socodka Gobalada Togdheer , Daad-Madheedh iyo Maroodi-Jeex. Waxaanu Caaqilku Ugu Baaqay Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland iyo Dadwaynaha ka soo Jeeda Degaankasiba inay ka Qayb-Qaatan Dhismaha iyo Tagerada Wadadaasi.
 
Gudomiye ku Xigenkii Hore Ee Gobalka Togdheer Guleed Daahir Samatar Oo Xafladaasi ka hadlay ayaa Eedeyn usoo Jeediyay Xukumada isagoo ku Dhaliilay inay Degaano Gaar ah ka Dhagax-Dhigtay Mashariic aad u tiro badan, Waxanu yidhi "Waxaan Leeyahay Anigu Wixii la Qabto Waddo ayaa Ugu Wanaagsan Tusaale ahaan wadadaasi Waxa Maraya Umul,Oday Buka,Cid isqabsatay ayaa Gurmad Loo Fidinayaa Wadadu Waa ixsaan,Wadana Qolo Ma Lahee Qaranka Oo Dhan ayaa wada Leh, Muhiimada Waa in Wax la Wada Qabsadaa Uun, Anigu Caawa Waxaan Leeyahay Warcimraanba Sagaal Wasiir iyo Ninkii Sodoga Loo ahaaba Tagoo Dhagxaan Dhigee,Halkana Kaalaya ayaanu Leenahay Oo Dhagxantinii Dhiga Oo Yaanay la Odhanin Cagafaanta Soo Kaxeyoo,Diyaar Baanu u Nahay in Aanu ka Qayb-Qaadano Dhismaha Wadada" Ayuu Yidhi Guuled Daahir Samatar
 
Sidoo Kale Waxa Munaasibadaasi Ka Hadashay Faysa Qaybdiid Oo Ka Mida Guddida Wadadaasi Waxaana Hadaladeedii Ka Mid Ahaa 
"Wadadaas Oodweyne Waxaanu Leenahay Haloo Kaco Dhamaanba Dadka Reer Somaliland Ee Dalka Jooga Gaar Ahaan Dadka Dega Deegaanadaasi Oo Xoolaha ha Loo Huro Oo Ka Dibada Joogaa Hasoo Shubaan Lacagta Oo Ka Dalka Joogana Maalintii 1$ Dollar  Ha Bixiyo, Cagafyada Yaala Ee Loogu Tallo Galay Dhismaha Wadadana Waxaanu Leenahay Waanu  Ku Dhamaystiraynaa  Wadada,Wadada Oodweyne Wadooyinka Dalka Ka Socdana Kama Duwana Ka Dumar Ahaana Waanu Dhamaystiraynaa Wadadaasi ” Ayay Tidhi Faysa Qaybdiid
 
 Xisaabiyaha Gudidaasi Jaamac Sidiiq Oo Munaasibadaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Ay Muhiimad Gaar Ah U Leedahay Ka Qayb Qaadashada Wadaasi Kaasi Oo Halkaasi Ka Soo Jeediyey Numberada Iyo Accountga  Waadadaasi Ee Qaadhanka Loogu Shubaayo Wadadaasi  Kuwaasi Oo Kala Ahaa Zaad Number 063-4831777 Dahabshiil Account 11491 Salaama Bank 60093686 Waxaana Intii Ay Munaasibadaasi Socotay Laga Uruuriyey Qaadhaan Ay Dadkii Munaasibadaasi Ka Soo Qaybgashay Ay Bixiyeen.
 
 
Waxaana Munaasibadaasi Xidhay Gudoomiyaha Gudida Wadadaasi  Cawil Yuusuf Dhiif Waxaanu Yidhi "Waxaanu Baaq U Jeedinayaa Jaaliyadaha Dibada In Ay Ka Soo Qayb Qaataan Dhismaha Waddadaasi,Waddada Waxay Ka Mid Yihiin Dadkaanu U Bilawnay Ee Aanu Jeebkooda Ku Xisaabtamayno Waa Dariiq Dheer Waxaynu Kale Oo Aanu Baaq U Jeedinaynaa Dadweynaha Reer Somaliland In Ay Ka Qayb Qaataan Dhismaha Waddada Waa Waddo Faa,iido U Leh Dadweynaha Reer Somaliland Waxaan Baaq U Jeedinaynaa Xukuumada Somaliland In Ay Ka Qayb Qaataan Wadada Iyo Dhismaheeda Horena Way Uga Qayb Qaateen Maantana Ha Ka Qayb Qaataan Dhismaha Wadada Walaalayaal Wadada Waxaan U Bilownay Jeebkiina Ee Waxba Ha Ka Hagranina” Ayuu Yidhi Gudoomiye Cawil Yusuf.

Dhismaha wadada isku Xidhi Doonta Gobalada Togdheer,Daad-Madheedh iyo Maroodi-Jeex ayaa iyadu Socotay Mudoyinkii u Danbeyay Waxaana la Filayaa in Gudidani Cusub Ee Gacanta Loo Galiyay Dhismaha Wadadani inay Dhamaystiri Doonaan inta ka hadhay waddada maadaama Guddiyadii hore gacanta ugu hayey ku jeesteen Waddooyin kale oo iyaguba muhiim ah.





Afkashacabka.com

Burco  /Office

Contact@afkashacabka.com