Raysal Wasaaraha Turkiga Oo Ku Faanay Dimuquraadiyada Dalkiisa Guusha Xisbigiisana Ku Tilmaamay Mid Tariikhi Ah. Daawo Sawirada

0
Monday March 31, 2014 - 12:20:59 in by Super Admin
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Turkiga Oo Ku Faanay Dimuquraadiyada Dalkiisa Guusha Xisbigiisana Ku Tilmaamay Mid Tariikhi Ah. Daawo Sawirada

    Xisbiga tallada Waddanka Turkiga haya ee AK Party oo uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Recep Tayyip Erdogan, ayaa guul layaab leh ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga tallada Waddanka Turkiga haya ee AK Party oo uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Recep Tayyip Erdogan, ayaa guul layaab leh ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay

Xisbiga tallada Waddanka Turkiga haya ee AK Party oo uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Recep Tayyip Erdogan, ayaa guul layaab leh ka soo hooyay doorashooyinkii ka dhacay shalay oo Axad ahad dalkaas, sida ay cadeeyeen Telefeeshinada waddanka Turkigu codadkii dhammaan dalka laga dhiibtay wuxuu helay Xisbiga Islaamka iyo  Cadaaladda  ee AKP (Justice and Development Party) in kabadan inta u dhaxaysa 44%-46%, taas oo ka dhigaysa natiijo aan lasoo haybsan karin.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in Xisbigii ugu weynaa Mucaaridka ee la tartamaayay ee CHP uu helay inta u dhaxaysa  23%-28%. Arrintan ayaa ka dhigaysa Xisbiga Mr.  Recep Tayyip Erdogan tartankii ugu xiisaha badnaa ee uu galo Xisbigiisu muddo 12 sanno ah oo uu dalka xukumaayay.

Erdogan oo goor dhaweyd  Magaaladda caasimadda Ankara kula hadlaayay kumanaan kun oo qof oo tagerayaashiisa ah, ayaa sheegay in natiijada doorashadu u quus goonayso kuwii dacayaadka akhlaaqda ka baxsan ka fidinaayay Xukuumaddiisa, sidoo kale wuxuu sheegay inay guushani adhax jab ku tahay dadka neceb dhismaha iyo horumarka Turkiga, hoggaamiyahan iyo Xisbigiisa ayaa ah niman isku duubaan oo wax qabad muuqada ka hirgaliyay dalka, waxayna tageero xoogan ka haysan dadka hoose ee u baahan in adeeg waxqabad loo sameeyo.

Si kastaba ha ahaate Xisbiga AK Party iyo hoggaamiyahooda Recep Tayyip Erdogan ayaa tariikhda ku galaaya doorashooyinkan, waxayna guushoodani u quus goonaysa waddamada rer Galbeedka iyo qaar kamid ah duwalka Khaliijka oo aan jeclaysan doonin.