Masuliyiinta Ugu sarraysa Jamacadda Camuud iyo Ardaydii hore uga qalinjebisay Jamacadda Oo kulan ku yeeshay Hargeysa iyo Nuxurka Kulankooda

0
Wednesday April 02, 2014 - 11:41:45 in by Super Admin
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuliyiinta Ugu sarraysa Jamacadda Camuud iyo Ardaydii hore uga qalinjebisay Jamacadda Oo kulan ku yeeshay Hargeysa iyo Nuxurka Kulankooda

    Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay ayey xalay ku kulmeen tiro kamida ardaydii ka soo aflaxday Jaamacadda Camuud ee ku sugan Caasimada Hargeisa iyo Masuulka uugu sareeya Jaamacadda Camuud Proff Suleiman Axmed Guleid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay ayey xalay ku kulmeen tiro kamida ardaydii ka soo aflaxday Jaamacadda Camuud ee ku sugan Caasimada Hargeisa iyo Masuulka uugu sareeya Jaamacadda Camuud Proff Suleiman Axmed Guleid



Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay ayey xalay ku kulmeen tiro kamida ardaydii ka soo aflaxday Jaamacadda Camuud ee ku sugan Caasimada Hargeisa iyo Masuulka uugu sareeya Jaamacadda Camuud Proff Suleiman Axmed Guleid isaga oo ay wehelinayaan Madaxa Hay’adda Caalmiga ee Camuud Foundation Mr. Maxamed Faarax Cigaal iyo Masuul ka so socday Jaamcadd ku taala Dalka Maraykanka ee Massachusetts  Mr. Maxamed Faarax Good "Wardi”

Madaxda ururka ardayda ee Jaamcadda Camuud eeku Sugan Hargeisa  "Alumina” iyo Masuuliyiinta ayaa kulanka isku waydaarsaday dib u xasuusta waayo waayo iyo waayihii soo maray,sidoo kale isla dareen iyo farxad qaybsaday.

 

ugu horayn Proff Suleimen Axmed Guleid oo Madasha Casho sharafta furay ayaa ka xog waramay heerkii jaamacadu ka soo bilaabantay iyo halka ay maanta marayso isagoo ardayda ka xog siiyey hoygii ay ka soo aflaxeen

 

dhanka kale gudoomiyaha Hay'adda Camuud Foundation Mr Maxamed Faarax Cigaal ayaa kulankan ku tilmaamay mid qiimo iyo dareen gaar ah maadama intaas oo masuul oo heerar nololeed oo kala duwan ku sugan ay dhamaan ku abtirsadaan Jaamacadda Camuud isla markaana ku dhiiriyey in ay sii xoojiyaan wada xidhiidhkooda iyo xidhiidhka ay la leeyihiin Jaamacadii ay ka soo baxeen

 

Mr Maxamed Faarax Good "Wardi " oo ah masuul kamida masuuliiyinta uugu saraysay Jaamacad ku taala Dalka Maraykanka oo magaceeda la yidhaa Massachusetts ayaa ku fogaaday mihiimada ay leedahay iska war haynta dadka hoy kaliya ka soo wada aflaxay iyo heerka ay aduunka ka taagan tahay isagoo sheegay in ardayda meel ka soo wada baxda dadka iska xigto, dhanka kalena iftiimiyey sida uu ugu faraxsan yahay in uu arko masuuliyiin bulshada magac iyo meeqaam sare ku leh ay yihiin arday ka soo baxday Jaamacadda Camuud, Ardaydii kulankan ka soo qaybgalay ayaa si aad ah u bogaadiyey kulankan iyo saamaynta uu agtooda ku leeyahay

 

isku soo wada duubo kulankan ayaa ku dhamaaday farxad iyo dareen qiimo badan




Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com