Ibrahimovic Oo Ganaax Afar Kulan Ah Gadhka Loo Galiyay Kadib Markii Lagu Helay Inuu Aflagadeeyay Garsoore

0
Saturday April 11, 2015 - 08:59:49 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ibrahimovic Oo Ganaax Afar Kulan Ah Gadhka Loo Galiyay Kadib Markii Lagu Helay Inuu Aflagadeeyay Garsoore

    Weeraryahanka kooxda Paris Saint Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa garka loo galiyay ganaax afar kulan ah kadib markii lagu helay cadeymo muujinaya inuu aflgadeeyay garsoroe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda Paris Saint Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa garka loo galiyay ganaax afar kulan ah kadib markii lagu helay cadeymo muujinaya inuu aflgadeeyay garsoroe.


Zlatan ayaa ah xidig dhanka aqlaaqdiisa ay liidato, wuxuuna wuxuuna aflagadeyay garsoorihii dhex dhexaadinayay kulan ay PSG 3-2 qasaaro ah kala kulantayBordeaux isagoo sii raacsaday hadal ah in PSG aysan u qalin ka ciyaarida horyaalka faransiiska.

Si kastaba xiriirka dalka faransiiska ayaa ganaaxay afar kulan wuxuuna seegi doonaa kulamada ay kooxdiisa la yeelan doonto horyaalka: Nice, Lille, Metz iyo Nantes.

Si kastaba PSG ayey ku adkaaneysaa iney difaacato horyaalka madama horyaalka uu ka haray 7-kulan oo qura waxeyna kaliya Ibrahimovic heli doontaa 3-kulan.

Ugu dambeyntiina PSG waxey haatan hogaanka horyaalka ku heysaa kaliya hal dhibic waxeyna ka horeysaa kooxda Olympique Lyon.


Contact@afkashacabka.com