Man.city Oo Galinkii Hore La Caraabtay Guuldaro Wayn Ciyaarti Caawa

0
Sunday April 12, 2015 - 22:50:44 in
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man.city Oo Galinkii Hore La Caraabtay Guuldaro Wayn Ciyaarti Caawa

    Kooxda Man.united Oo Guuldarro Xanuun Badan Dhabarka U Saartay Dariskeeda Man.city

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Man.united Oo Guuldarro Xanuun Badan Dhabarka U Saartay Dariskeeda Man.city

Manchester United ayaa dariskeeda Man City wacdaro ku dhigtay kadib markii ay dhex jiid jiiday Old Traffrod, Red Devils ayaa ka aarsatay kooxda Citizens oo hore afar guuldaro oo xidhiidh ah horyaalka u baday. Man United ayaa kulankii ka dhacay Old Traffrod ku xaaqday kooxda martida u ahayd ee Manchester City, waxayana Man United guushan ku gaadhay 4:2, waxaana goolasha ukala dhaliyayAshley Young,Marouane Fellaini,Juan Mata iyo Chris Smalling oo min hal mar shabaqa soo taabtay halka uu Sergio Aguero labada goolka udhaliyay kooxdiisa Man City.

 

United

Guushan ayaa Man United ka caawisay inay ku sii dhegsanaato Arsenal oo ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka waxayna sidoo kale sii dheeraysatay dhibcaha ay ku hayso kaalinta saddexaad ee kala saraynta horyaalka. Man United ayaa hadda afar dhibcood ka saraysa kooxda ay dariska yihiin ee City halka ay City markale ku sii nagaan doonto kaalinta afaraad. waa markii ugu horaysay ee ay Man City afar kulan oo xidhiidh ah oo ay marti tahay horyaalka Ingriiska guuldaraysato tan iyo xili ciyaareedkii 1995/96.Waxana Pellegrini hortaala dhibaato aanu wali xalkeeda helin.

Kulan xiiso iyo xamaasad badan ayaa Old Traffrod ku dhex maray kooxaha ree Manchester ee United iyo City. Man United ayaa dariskeeda Citizens ku soo dhawaynaysay garoonkeeda kulan labada kooxoodba aad iyo aad muhiim ugu ahaa. Man United ayaa doonaysa inay sii xejisato kaalinta saddexaad oo ay kala baxday Manchester City laakiin kooxda Manuel Pellegrini oo uu culays badani haystay ayaa doonaysay inay qaladkooda ku saxaan Old Traffrod.derby

Manchester City ayaa ku fikiraysay inay noqoto kooxdii ugu horaysay ee Man United shan kulan oo xidhiidh ah guul ka gaadhay halka Red Devils ay doonayeen inay markooda ka aarsadaan Citizens.Van Gaal ayaa hal isbadal oo kaliya ku sameeyay shaxdii uu Aston Villa kaga guulaystay iyada oo Samllinga uu taam u noqday kulankan wuxuuna Van Gaal kulankan u soo doortay ciyaartoydan.Van Gaal

Manuel Pellegrini ayaa kulankan iskeenay isaga oo culays badani saaran yahay kadib markii ay kooxdiisu ku dhacday kaalinta afaraad isla markaana ay guuldaro kala soo kulantay kooxda Crystal palce. Pellegrini ayaa kooxdiisa kulankan la yimid ciyaartoydan.pellegrini

Ciyaarta ayaa ku bilaabay qaab dab ah oo layaableh iyada oo ay labada kooxoodba markiiba bilaabeen inay fursado ay goolal ku dhaliyaan sameeyaan.Goolka furitaanka ciyaarta ayaan wax badan la sugin, waxaana bilaw fiican kadib hogaanka ciyaarta u qabatay Manchester City kadib markii uu Sergio Agüero kooxdiisa daqiiqdii 8 aad goolka furitaanka udhaliyay isla markaana uu ciyaarta ka dhigay 1:0 ay City hogaanka xili hore kula wareegtay.waxaana caawinta goolkaas iska lahaa David Silva.fellaini

Goolka uu Aguero ka dhaliyay Man United ayaa ahaa goolkiisii afraad ee uu Red Devils ka dhaliyay saddexdii kulan ee horyaalka ugu danbaysay halka uu sidoo kale goolkani ka ahaa goolkii 99 aad ee uu Aguero udhaliyo kooxdiisa City tartamada oo dhan. dhinaca kale goolka Aguero ayaa ahaa goolkii 18 aad ee uu xili ciyaareedkan horyaalka ka dhaliyo.

Manchester United ayaa bilawday inay ka dagaalanto goolka iyada oo garoonkeeda joogta looga hormaray, waxayna dadaal badan kadib goolka barbaraha heshay daqiiqadii 14 aad waxaana goolka barbaraha usaxiixayAshley Young kaas oo kooxdiisa goolka ugu dhaliyay kubbad uu meel fog ka soo tuuray Herrera laakiin Clichy ayaa marka hore badbadiyay ugu danbayn Young ayaa kubbada dhamaystiray, wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.Young

Manchester ayaa dagaalkeeda halkeeda ka sii waday waxayna markan baadi goob ugu jirtay sidii ay markeeda hogaanka ula wareegi lahayd, waxayna hamigeeda ka rumaysay daqiiqadii 27 aad markaas oo uu Marouane Fellain kooxdiisa udhaliyay gool madax ahaa, wuxuuna markiisa ciyaarta u badalay 2:1 ay Manchester United markeeda hogaanka ciyaarta kula wareegtay.waxaana goolkaFellain caawiye ka ahaa Young oo Red Devils goolka kowaad udhaliyay.fellaini

Inkasta oo ay Man City 15 kii daqiiqo ee ugu horeeyay ahayd kooxda halista badan abuurtay ayay haddana markii ay Man United goolka barbaraha latimid la wareegtay maamulka ciyaarta, waxayna halis joogto ah ku haysay goolka City.City ayaa bilawday inay weerar deg deg ah ku ciyaarto laakiin difaaca United ayaa fursado fiican iska badbaadiyay.roo

Marka ay Man United weerarka ku soo qaado difaaca Man City ayuu difaaca Citizens qaladaad badan samaynayay.Man United ayaa 45 kii daqiiqo ee qaybta hore samaysay laba bartilmaameed oo kaliya labadana waxay ku dhalisay laba gool, sidoo kale City ayaa samaysay laba bartilmaameed.Ugu danbayn qaybta hore ee ciyaarta aya lagu kala nastay 2:1 ay Man United hogaanka ku haysay.derby1

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Pellegrini badal ku saaray kabtankiisaVincent Kompany kaas oo qaybta hore ee ciyaarta kaadhka digniinta ah qaatay wuxuuna ku soo badalayEliaquim Mangala, laakiin Van Gaal ayaa shaxdii uu ciyaarta ku soo galay aan wax isbadal ah ku samayn waqtiga nasashada.kompany

Daqiiqadii 52 aad ayay Man United heshay dhawr fursadood oo xidhiidh ahaa oo ay kula iman gaadhay goolka saddexaad kadib markii uu Wayne Rooney kubbada laaga xorta ah ku dhalin gaadhay goolka saddexaad waxaana badbaadin fiican sameeyay Hart kubbada ayaa ku sii meeraysatay xerada ganaaxa City iyada Young, Mata iyo Herrera ay dhamaantood isku dayeen inay goolka dhaliyaan laakiin City ayaa dirqi kubbada iskaga saartay.

Daqiiqadii 55 ayuu kulalka derbigu cirka isku shareeray kadib markii ay isku dheceenFellaini iyo Demichelis, waxaana dhulka ku dhacay Demichelis ciyaartoyda labada kooxood ayaana garsooraha ku soo xoomay laakiin wax kaadh ah ayaan goobta ka soo bixin.Felaini2

Manchester City ayaa bilawday inay ku dadaasho sidii ay ula iman lahayd goolka barbaraha, laakiin Man United ayaa bilawday inay dib u degto si ay u difaacato goolka ay ciyaarta ku hogaaminaysay halka ay marka kubbada ay heshana ay qaadaysay weerar deg deg ah.Daqiiqadii 63 aad ayaa ciyaarta dhaawac loog saaray James Milner waxaana lagu soo badalaySamir Nasri.milner

Man United ayaa bilawday inay weerar deg deg ah oo halis ah ku bilawdayo difaaca City, waxayna daqiiqadii 67 aad ayayna Man United soo qaaday weerar halis ah kaas oo ay kula timid goolka saddexaad ee kalsoonida, waxaan markan si cajiib ah shabaqa u soo taabayJuan Mata kaas oo kubbad fiican oo uu ka helay Wayne Rooney kula soo baxay Hart isla markaana si fiican udhamaystirtay. ciyaarta ayaa markan noqotay 3:1 ay Man United hogaanka ku dheeraysatay.Caawinta Rooney ayaa ahayd gool caawintiisii 90 aad ee waayihiisa ciyaareed ee horyaalka ingiriiska.mata

Intaa wixii ka danbeeyay ayay City u muuqatay inay niyadjabtay isla markaana ay isku dhex yaacday, laakiin Man United oo afar kulan oo isku xigta ay City guuldaro ka soo gaadhay ayaan u muuqan inay goolasha ka dhargayso, waxayna markale goolka afaraad ee dhulka ku jiiday City ay la timid daqiiqadii 73 aad kadib markii uuChris Smalling goolka madax ah udhaliyay, wuxuuna markiisa ciyaarta ka dhigay 4:1 ay Man United ku xaaqayso dariskeeda City. Young ayaa qalad lagu galay loo dhigay wuxuuna kubbada soo dul dhigay goolka City halkaas oo uu kubbada madax ku darbeeyay Smalling.smallingDhamaadka ciyaarta ayuu markale Sergio Aguero kooxdiisa City udhaliyay goolka labaad, wuxuuna kubbad uu ka helay Pablo Zabaleta kooxdiisa kaga yareeyay natiijada culayska badan ku haysay.goolkan ayaana ahaa goolkii 19 aad ee uu Aguero ka dhaliyo horyaalka isaga oo barbareeyay Costa iyo Kane.Goolkan ayaana ahaa goolkii 100 ee uu Aguero udhaliyo Citiznes tartamada oo dhan.aguero1

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:2 ay Man United ku xaaqday kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester City. Inkasta oo ay City goolka ku hormartay ayay haddana Man United ugu sariftay afar gool oo ay si fiican uga shaqaysay.

Guushan ayaa Man United ka caawisay inay kaalinta saddexaad dhibcaha ay ku hayso sii dheeraysato iyada oo yeelatay 65 dhibcood waxayna hal dhibic ka hoosaysaa Arsenal oo kaalinta labaad ku jirta. Dhinaca kale guuldarada soo gaadhay Man City ayaa ku sii hayn doonta kaalinta afaraad iyada oo ay soo gaadhay afar guuldaro afartii kulan ee ugu danbaysay ee ay martida ahayd. 




Contact@afkashacabka.com