Man United, Barcelona, Chelsea Iyo PSG Oo Xagaagan Dalka Mareekanka Koob Xiiso Badan Ku Wada Cayaari Doonaan

0
Thursday April 16, 2015 - 09:16:02 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United, Barcelona, Chelsea Iyo PSG Oo Xagaagan Dalka Mareekanka Koob Xiiso Badan Ku Wada Cayaari Doonaan

    Sidii joogtada ahayd xagaagan waxaa dalka Mareekanka lagu qaban doonaa tartanka xiisaha badan International Champions Cup waxaana ka qayb qaadan doonaan qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidii joogtada ahayd xagaagan waxaa dalka Mareekanka lagu qaban doonaa tartanka xiisaha badan International Champions Cup waxaana ka qayb qaadan doonaan qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan.


Tartankan naadiga difaacan doonto waa Man United oo xagaagii hore 3-1 kaga qaaday naadiga Liverpool, hadaba qaban qaabiyaasha tartankan ayaa shaaca ka qaadeen xili la qaban doono sanadkan iyo kooxaha ka qayb qaadan doonaan.

Waxaa la sheegay in Man United si ay tartankan u difaacato inay la dagaalami doonto kooxaha Barcelona, Chelsea, PSG iyo kuwo kale.

Tartankan International Champions Cup waxaa la cayaari doonaa July 11 iyo August 5 waxaana la sheegay in xagaagan lacago badan ay heli doonaan kooxaha ka qayb qaadan doonaan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Steven Gerrard uu tartankan kasoo muuqan doono asigoo ka tirsan kooxdiisa cusub LA Galaxy oo ayna macquul tahay inuu Man United iyo Chelsea ka hor imaado.

Hadaba hoos kaga bogo guud ahaan kooxaha tartanka International Champions Cup ka qayb qaadan doonaan:

Chelsea

Manchester United

Barcelona

Club America