Golaha Guurtidda oo ku kala Qaybsamay Xeerka Duur-joogta iyo Keymaha

0
Tuesday April 21, 2015 - 12:38:37 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtidda oo ku kala Qaybsamay Xeerka Duur-joogta iyo Keymaha

    Fadhiyaddii u dambeeyay ee Golaha Guurtidda Somaliland ayaa dood kululi ku dhex-martay Xubnaha Mudanayaasha Golahaasi kuwaasi oo aragtiyo kala fog-fog ka dhiibtay Xeerka Duur-joogta iyo Keymaha oo dhowaan uga soo gudbay dhinaca Golaha Wakiiladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhiyaddii u dambeeyay ee Golaha Guurtidda Somaliland ayaa dood kululi ku dhex-martay Xubnaha Mudanayaasha Golahaasi kuwaasi oo aragtiyo kala fog-fog ka dhiibtay Xeerka Duur-joogta iyo Keymaha oo dhowaan uga soo gudbay dhinaca Golaha Wakiiladda.

Xubnaha Golaha ayaa si wayn ugu kala qaybsamay cida gacanta ku haynaysa Seerayaasha Qaranka ee Xeerku jideeyay, kuwaasoo qaarkood sheegay in khilaaf sharci oo wayni ka jiro dhulka ka baxsan Magaalooyinka gaar ahaan Seerayaasha iyo Dhul-daaqsimeedka Dalka, kuwaasoo xusay in Wasaarado dhowr ahi midiba gaarkeeda u sheegato awooda gacan ku haynta dhulkaasi sida Wasaaradda Horumarinta Reer-miyiga, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Xanaanadda Xoolaha halka Dowlaha Hoose qaarkood ay sheegeen inay baloodheeyaan isla markaana qorsheeyaan meelo miyi ah oo magaalooyinka u jira 15km.

Sidoo kale waxay Mudanayaasha Golaha Guurtiddu ku kala aragti duwanaayeen Xaddiga Ciqaabta lacagta ah ee laga qaadayo Ajaaninka ku xad-gudba duur-joogta oo sida Xeerku dhigayo qadarkeedu dhan yahay 20,000 Dollarka Maraykanka ah oo ay sheegeen inay xad-dhaaf tahay.

Dooda Mudanyaasha Guurtiddu waxay cirka isku shareertay markii mudane ka tirsan Golahaasi soo jeediyay in Duur-joogta Gacanta Xukuumadda lagu soo celinayo laga bilaabo kuwa Wasiirka Arrimaha Gudaha oo loogu horaysiiyo taasoo keentay in Goluhu isla oogsado kuwa ka biyo diiday soo jeedinta Mudanaha iyo kuwa taageerayba, Mudanahaasi ayaa sheegay inay naxdin iyo baqe joogto ah ku hayso dadweynaha reer Hargeysa markasta oo ay maqlaan Libaaxyadii Cali Waran-cade ayaa soo fakaday.

Isku soo wada-duu-duubo Xeerkan ayaa Shir-guddoonka Goluhu wuxuu u xil-saaray Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha inay ka soo talo-bixiyaan dibna Golaha ugu soo celiyaan fadhiyada soo socda ee Golaha.




Contact@afkashacabka.com