Hordhac Champions League: Real v Atletico – Kooxaha Madrid Oo Kulankoodii 8aad Ee Xilli Ciyaareedka U Tartamaya Booska Semi-finalka UCL.

0
Wednesday April 22, 2015 - 12:49:33 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac Champions League: Real v Atletico – Kooxaha Madrid Oo Kulankoodii 8aad Ee Xilli Ciyaareedka U Tartamaya Booska Semi-finalka UCL.

    Real Madrid CF iyo Club Atlético de Madrid wax badan ayay is arkeen xilli ciyaareedkan; kulanka caawa waa kulankoodii 8aad ee xilli ciyaareedka , waxaana barbarihii goolal la'aanta ee lugta hore ay la micno tahay in tartanka lagu gaarayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid CF iyo Club Atlético de Madrid wax badan ayay is arkeen xilli ciyaareedkan; kulanka caawa waa kulankoodii 8aad ee xilli ciyaareedka , waxaana barbarihii goolal la'aanta ee lugta hore ay la micno tahay in tartanka lagu gaarayo wareega afar dhamaadka inuu yahay mid furan caawa marka ay isku wajahaan lugta labaad garoonka Estadio Santiago Bernabeu.
Ka hor lugtii hore ee wareega 8da, labada kooxood waxa ay is arkeen lix jeer, iyadoo Atletico ay badisay labadii kulan ee La Liga 2-1 oo ay ku badisay kulankii martida iyo 4-0 ay ku badisay kulankii minankooda taasoo aheyd guushii ugu weyneyd ee ay ka gaaraan deriskooda tan iyo 1987dii.
 

Real Madrid ayaa wadada u saaran inay difaacato koobka Champions League islamarkaana noqoto kooxdii ugu horeysay ee difaacata koobkaan tan iyo markii loo bixiyay magaca Champions League, laakiin waxaa wadada u taagan kooxda Atletico oo mixnad soo taagan ku noqotay xilli ciyaareedkan.

Madaama barbaro goolal la’aan ah lagu soo kala baxay kulankii lugta hore ee Vicente Calderon ka dhacay, Atletico ayaa ka fursad fiican Real Madrid madaama ay caawa ku soo bixi karaan barbaro goolal ah, halka Los Blancos ay ka go’an tahay inay badiyaan waana sida kaliya ee ay ku soo gaari karaan wareega afar dhamaadka Champions League.

MAXAA KA CUSUB?

Real Madrid waxaa caawa ka maqan afar ciyaaryahan oo muhim weyn u ahaa, Luka Modric, Gareth Bale iyo Karim Benzema ayaa dhaawacyo kala duwan ku seegaya kulanka caawa ee Madrid Derby halka Marcelo uu ganaax ku seegayo kulanka Bernabeu ka dhacaya caawa.

Dhanka kooxda martida ah ee Atletico Madrid waxaa ganaax kaga maqan Mario Suarez, halka Mario Mandzukic shaki la geliyay taam ahaanshihiisa kulanka caawa inkastoo la filayo in lagu soo bilaabo.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Madrid: Casillas; Carvajal, Varane, Ramos, Coentrão; Isco, Illarramendi, Kroos, James; Ronaldo, Hernández.

Atlético: Oblak; Juanfran, Miranda, Godín, Siqueira; Arda Turan, Gabi, Tiago, Koke; Griezmann, Mandžukić.

MA OGTAHAY?

  • Labada kooxood ayaa 202 kulan oo horyaalka iyo koobab ah ku kulmay, 103 kulan waxaa badisay Madrid, 50 jeer waxaa badisay Atletico, halka 49 kulan ay barbaro galeen.
  • Kooxda Rojiblancos ayaa ciyaareysa wareega 8da ee Champions League markii 7aad, waxaana ay raadinayaan inay markii shanaad gaaraan wareega afar dhamaadka.