Mareykanka oo Hogaamiyeyaal Daacish ka tirsan dul-dhigay Malaayiin doollar oo Abaalmarin ah

0
Thursday May 07, 2015 - 08:51:36 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Hogaamiyeyaal Daacish ka tirsan dul-dhigay Malaayiin doollar oo Abaalmarin ah

    Dowladda Marekanka ayaa afar ka mid ah mas'uuliyiinta sare ee Daacish dul-dhigtay lacago malaayiin doollar ah, si ay u hesho xogtooda, iyadoo sheegtay in ciddii warbixinno ka keenta mas'uuliyiintan la siinayo abaal-marinta lacageed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Marekanka ayaa afar ka mid ah mas'uuliyiinta sare ee Daacish dul-dhigtay lacago malaayiin doollar ah, si ay u hesho xogtooda, iyadoo sheegtay in ciddii warbixinno ka keenta mas'uuliyiintan la siinayo abaal-marinta lacageed.


Hoggaamiyeyaasha lacagaha la dul-dhigay ayaa waxay kala yihiin; Abd al-Rahman Mustafa al-Qaduli oo la dul-dhigay 7-milyan oo doollar, Abu Mohammed al-Adnani iyo Tarkhan Tayumurazovich Batirashvili oo min 5-milyan oo doollar la dul-dhigay iyo Tariq Bin-al-Tahar Bin al Falih al-‘Awni al-Harzi oo la dul-dhigay 3-milyan oo doollar.

"Cid walba oo soo sheegta warbixinada afartan xubnood, waxaa la siinayaa lacagaha abaal-marinta ah ee la dul-dhigay hoggaamiyeyaashan ka tirsan ISIS oo ah koox argagaxiso ah,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaarada arrimaha dibadda Mareykanka.

Ururka ISIL oo sidoo kale loo yaqaanno ISIS/Daacish ayaa la dhisay 2004-tii iyagoo ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya, halkaasoo ay sheegeen in ay ku soo rogayaan ku dhaqanka shareecada Islaamka. Iyadoo xukuumadda Washington ay ku eedeysay kooxdan dambiyo ay ka mid yihiin; ku xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah, dilal-wadareedyo inay bulshada ka dhaadhiciyaan fikirkooda dagaal, dilalka carruurta, kufsi iyo dambiyo kale.

"Bishii Abriil sannadkii 2013-kii ayuu hoggaamiyaha Daacish, Abu Bakr Al-Baqdaadi sheegay in ISIS ay qaadatay fikradaha hoggaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden, ayna xukunno Islaami kusoo rogayso dalalka Suuriya iyo Ciraaq,” ayaa warbxinta wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka lagu yiri.

Sidoo kale, xukuumadda Washington ayaa wabixinno dheeraad ah ka bixiyay xubnaha uu dul-dhigay lacagta abaal-marinta ah, taasoo u qornayd sidan:

1.Abd al-Rahman Mustafa al-Qaduli waa hoggaamiye sare oo ka tirsan ISIL, isagoo ka mid noqday kooxda markii laga sii daayay xabsi horraantii 2012-kii. Wuxuuna u safray Suuriya halkaasoo uu uga howlgalo kooxda. Wuxuu markiisii hore ku biiray Al-Qaacida sannadkii 2004-kii isagoo ka hoos-shaqeynayay hoggaamiyaha kooxdaas.

2.Abu Mohammed al-Adnani oo magaciisa runta ah lagu sheegay Taha Sobhi Falaha waa hoggaamiye sare oo ISIL ka mid ah, wuxuuna u qaablisan yahay dhinaca warbaahinta iyo dacaayadaha kooxda.

3.Tarkhan Tayumurazovich Batirashvili waa xubin sare oo madax ka ah golaha shuurada kooxda. Batirashvili sidoo kale wuxuu kooxda wakiil uga dhinaca dhaqaalaha, iyadoo 24-kii September ee sannadkii 2014-kii lagu daray liiska xubnaha argagaxisada ah ee calaamka.

4.Tariq Bin-al-Tahar Bin al Falih al-‘Awni al-Harzi waa ruuxii ugu horreeyay oo ku jira liiska argagaxisada oo ku biiray ISIL, isagoo ka howlgala Suuriya. Waa mas’uul kooxda lacagaha uga soo ururiya dalalka Khaliijka Carabta sidoo kalena dagaalyahannada u qora kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo Mareykanka uu ka dhawaajiyo lacago abaal-marin ah oo uu dul-dhigay hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish, isagoo horay lacag u dul-dhigay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan kooxdan.




Contact@afkashacabka.com